|
Qaraxyo xalay ka dhacay magaalada Nairobi oo waxyeelo ka soo gaartay askar ka tirsanaa Booliska Kenya
Mogadishu Sabti 13 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Qaraxyo xalay ka dhacay magaalada Nairobi oo waxyeelo ka soo gaartay askar ka tirsanaa Booliska Kenya.
Illaa iyo labo qarax oo ay waxyeelo ka soo gaartay askar ka tirsanaa booliska Kenya ayaa xalay ka dhacay xaafadda Soomaalidu dagan tahay ee Islii.
Wararku waxay sheegayaan in qaraxa hore lala lala eegty goob lagu caweeyo halka kan kalana lagu weerary askar Boliska Kenya ka tirsan taasoo dhalisa dhaawaca 3 askari oo saraakiil ku jiraan..
Taliyaha booliska magaalada Nairobi, Moses Ombati oo u waramayay wakalada AFP ayuu ku xaqiijiyay dhawaca askartaas asagoonaintaa ku daray in qaarkood ay hadda wanaagsan yihiin.
Sidoo kale saraakiisha ciidamada Kenyawaxay sheegeen inay baaritaano wadaan iyadoona ay xaalad cabsi ah soo wajahday Soomaalida Nairobi dagan.
Ma jirto willi sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi hase ahaatee booliska Nairobi waxay tuhunsan yihiin Xarakadda Al-Shabab oo horey looga bartay inay sheegtaan wixii waxyeelo ah ee Kenya ka dhaca.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|