Somali News
    Hees  

Taariikh nololeedkii Proff. Max'ed Cumar Xassan "Gaalaguul" oo geeriyooday

Mogadishu Sabti 13 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Proff. Cumar Max’ed Xassan oo loo yaqaanay " Gaalaguul ", waxa uu ku dhashay magaalada Balcad, 10kii bishii April, sanadku markuu ahaa 1940kii.

Proff. "Gaalaguul " wuxuu ku soo barbaaray isla magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ee dalka Soomaaliya, wuxuuna markii dembe isagoo dhallinyaro ah waxbarasho ugu soo huleelay ama tagay dalka Talyaaniga, halkaas oo uu ku qaatay waxbarasho dhinaca jaamacadda ah isaga oo ka qalin jabiyay Ganacsiga & Dhaqaalaha.

Dhinaca kale wuxuu ka qalin jabiyay isla jaamacadda magaalada Firenze, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada Siyaasadda & Sharciga, taas oo u sahashay in uu macallin ama barre ka noqdo jaamacad ku taalla dalkaasi Mareykanka.

Proff. Cumar Max’ed Xassan " Gaalaguul " wuxuu si gaar ah macallin uga noqday jaamacadda Dhaqaalaha, Siyaasadda & Xuquuqda caalamiga ee dalkaasi.

Muddo dheer ka dib, Proff. Cumar Max’ed Xassan " Gaalaguul " wuxuu deegaan ku yaashay dalalka Canada & Talyaaniga wuxuuna xiriir la yeeshay xubno ama siyaasiyiin Soomaaliyeed oo dibed joog ahaa si talada dalka Soomaaliya looga qaado hoggaamiyihii hore ee Kacaanka Max’ed Siyaad Barre.

Proff. Cumar Max’ed Xassan " Gaalaguul " wuxuu ahaa ninkii ka diiwaan galiyay ururkii USC magaalada ROME ee dalkaasi Talyaaniga ururkaas oo noqday kii ku guuleystay in uu talada dalkaasi ka qaado madaxweyne Siyaad Barre, sanadkii 1991dii.

Dagaallo dheer ka dibna waxaa maanta Soomaaliya ka hirgalay hannaanka dimoqraadiyadda ee uu muddada dheer doonay in uu ka hana qaado dalka Soomaaliya.

Proff. Cumar Max’ed Xassan " Gaalaguul ", maadaama uu sanadihii ugu dambeeyay ka maqnaa dalka Soomaaliya, haddana marna maskaxdiisa kama saarin mustaqbal wanaagsan oo ka hanaqaada Soomaaliya.

Proff. " Gaalaguul ", wuxuu ka mid ahaa xubnha maskaxda furan una fekera si madaxbannaan si ay xaqiijiyeen xubnihii xiriirka dhow la lahaa ama u dhawaa, iyagoo qiray in uu ahaa nin hufan xambaarsanna sharaf & maamuus ruuxi ah, sida xaaskiisa Mauela Marriotti Hassan.

Allaha u naxariistee Proff. Cumar Max’ed Xassan " Gaalaguul " wuxuu ku geeriyooday magaalada Firenze ee dalka talyaaniga taariikhdu markii ay aheyd 19kii bishii September, sanadkan 2012.

Eebbe naxariistii janno ha siiyo.

Aamiin

C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
Qoraa, Taariikhda, Dhaqanka & Suugaanta Soomaalida.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)