|
Dibad baxyo dhiig ku daatay oo caasimada Masar maanta ruxay
Mogadishu Sabti 13 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dibad baxyo dhiig ku daatay oo caasimada Masar maanta ruxay
In ka badan 10 ruux ayaa waxyeelo kasoo gaartay isku dhacyo magaalada Qahira ku dhex maray ciidamada rabshadaha ka hortaga ee dalkaasi iyo qaar ka mid ah qareenada maxkamadaha ku yaala dalkaasi Masar.
Sida ay wararku sheegayaan isku dhacyadaan ayaa bilawday kadib markii qareenaddu ay ka caroodeen xil ka qaadis M/weynaha Masar Max’ed Mursi uu doonayo inuu ku sameeyo gudoomiyaha maxkamada sare Cabdul Mawjuud Max’ud.
Warar laga helay goobaha caafimaadka ayaa ku waramaya in 12 ruux oo qaarkood ay dhaawacyo halis ah qabaan la geeyay isbitaalada magaalada gaar ahaan kan dawlada ee caasimada Qahira ku yaala
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|