Somali News
    Hees  

Abuu Muscab: "Ciidamada Kenya waxaan ka dilnay inta aan ognahay ilaa 50-askartooda ka mid ah, waxaana ka gubnay..."

Mogadishu Sabti 13 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Abuu Muscab: "Ciidamada Kenya waxaan ka dilnay inta aan ognahay ilaa 50-askartooda ka mid ah, waxaana ka gubnay..."

Afhayeenka Ciidamada Xarakada Alshabaab Sheekh C/casiis abuu Muscab ayaa ka jawaabay hadal ka soo baxay dhawaan afhayeenka ciidamada Kenya kaasoo sheegay inay 3-kun askari ka dileen alshabaab mudo sanad ah.

Abuu Muscab waxaa uu riyo qarow ah islamarkaana been abuur ah ku tilmaamay warka Kenyaatiga ka soo baxay waxaana uu ka hadlay khasaaraha iyaga ay kenyaatiga gaarsiiyeen inta ay ogyihiin.

Abuu Muscab waxaa uu daboolka ka qaaday in Kenya ay ka dileen 50 askari , ayna ka gubeen ilaa 40 gaadiidka dagaalka,sidoo kale waxaa uu sheegay soo rideen ilaa 5 diyaaradaha dagaalka ee kenyaatigu adeegsanayeen.

Afhayeenka dhanka howlgalada alshabaab waxaa uu xusay in kenya oo adeegsaneysa gaadiidkooda dagaal ee cirka,dhulka iyo badda inay si fudud ku qabsan waayeen meesha ay rabeen.

"Waa riyo iyo qarow waxa kenyatigu sheeganayaan, anaga khasaare badan ayaan gaarsiinay cadowgeena Kenya sida 50 askar aan dilnay,40 gaadii aan gubnay iyo 5 diyaaad aan soo rdnay"ayuu yiri abu muscab.

Dhinaca kale afhayeenka Dhinaca howlgalada Al-Shabaab warkiisa ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan afhayenka Ciidamada Kenya uu sheegay inay ka dhinteen 22- askari muddo sanad ah oo ay soomaaliya ka dagaalamayeen, sidoo kale ay dileen 3-kun Al-Shabaab ah.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)