Somali News
    Hees  

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo shaacisay in dib loo dhisaayo ciidamadii difaaca Cirka Soomaaliya

Mogadishu Axad 14 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo shaacisay in dib loo dhisaayo ciidamadii difaaca Cirka Soomaaliya

Xuseen Carab Ciise Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday xilli uu wareysi siinaayay Idaacadda Qaranka in dib loo dhisaayo Ciidamadii Cirka Soomaaliya, iyadoo dhinaca kale sharraxaad ka bixisay qorshaha mustqabalka ee wasaaradda Gaashaandhiga ee ku aaddan xoreynta dalka iyo dhismaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku xiggeen ahna wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in qorshayaasha wasaaraddiisu ay ku jirto sidii dib loogu dhisi lahaa ciidammada Cirka Soomaaliyeed oo qeyb ka ah kuwa xoogga dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidammad Xoogga oo kaashanaya kuwa AMISOM ay si xoog ah kula wareegeen garoonka diyaaraha ee Billi-doogle oo ay lahaayeen ciidammada cirta dalka, wuxuuna sheegay inuu ku rajo weyn yahay in Garoonkasi uu ku soo laabto howlihiisa shaqo ee uu hayay garoonkaasi.

"Xoraynta Gobolada waxaa bar bar socda gurmadka loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay muddada gumeysiga ku hayeen Malleeshiyaadka Al-Qaacidda, taasina ay dowladda Soomaaliyeed ay ka go’antahay" ayuu yiri Xuseen Carab Ciise Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ugu bishaareeyay shacabka ku sugan deegaannada ay haraadiga ku yihiin malleeshiyaadka Al-Shabaab in dhawaan ay xorriyaddooda u soo celin doonto dowladda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay inaysan niyad jabin oo ay garab istaagaan ciidammadooda, si meesha looga saaro cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)