|
Shir Balaaran oo lagu taageerayay Dowladda cusub oo lagu qabtay Hotelka SAFARI ee magaalada Muqdisho + Sawirro
Mogadishu Axad 14 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Shir Balaaran oo lagu taageerayay Dowladda cusub oo lagu qabtay Hotelka SAFARI ee magaalada Muqdisho + Sawirro
Kulan lagu taageerayay Dowladda cyusub ee Soomaaliya oo ay soo qabanqaabiyeen haween weynaha Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Hotelka Safari ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee haweenka Soomaaliyeed.
Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlayay sidii haweenka Soomaaliyeed u taageeri lahaayeen dowladda cusub, ulana jaan qaadi lahaayeen isbedelka dalka ka dhacay, sidoo kale waxaa kulankaas diirada lagu saaray sidii haweenka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqda ay ku leeyihiin dowladda cusub oo ah 30% iyo sidii haweenka Soomaaliyeed oo mideysan ay ku heli karaan xarun ay ku howlgalaan.
Kulankaas ayaa waxaa ka hadlay xubno kala duwan oo ka kala socday qeybaha ururrada haweenka Soomaaliyeed, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha ganacsatada haweenka Soomaaliyeed ee G/Banaadir Caasha Ugaas (Caasha Shaacuur) oo sheegtay in loo baahan yahay haweenka Soomaaliyeed sidii ay u midoobi lahaayeen isla markaana dhinac uga soo wada jeesan lahaayeen taageerada Dowladda cusub oo ay sheegtay inay u dhalatay haweenka Soomaaliyeed maadaama ay yihiin tiirkii asaaska u ahaa Dowladda cusub.
Caasho Shaacuur waxay sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay soo mareen dhibaatooyin fara badan mudadii 21-ka sano ahayd ee lagu jiray qaska iyo fowdada, waxayna ahaayeen kuwii u istaagay inay u shaqeeyaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo ay xustay inay ku waayeen boqolaal haween ah oo ku guda jiray howlaha bulshada inay naftooda ku waayeen, caruurtadana ay ku noqdeen agoon, iyadoo hoosta ka hariiqday in marxaladahaasi haatan laga soo gudbay lana galay isbedel cusub, sidaas awgeed waxay sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay midoobaan ayna garab istaagaan dowladda Soomaaliyeed, iyadoo dowladda ka codsatay inay ilaaliso xuquuqda haweenka.
Kulankaas waxaa kale oo ka hadlay Guddoomiyaha midowga Haweenka Soomaaliyeed Marqo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, waxayna xustay in kulankaan ujeedada laga leeyahay ay tahay in la taageero dowladda cusub oo ay hoggaamiyaan Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari iyo Ra'iisal Wasaare Cabdi Shirwac Shirdoon (Saacid), iyadoo ka codsatay haweenka Soomaaliyeed inay gacan isku siiyaan garab istaagga dowladda cusub.
Sidoo kale waxaa iyana kulanka taageerada ah ka hadlay K/S Guddoomiyaha Haweenka Soomaaliyeed Canab Xasan Cilmi, Marwo Maxamed Axmed (Koofi), Marwo Sahra Cumar Maalin, Batuulo Sh. Axmed Gaballe, Fartuun Axmed Xasan iyo xubno kale, kuwaasi oo guud ahaan ka hadlay ujeedada kulanka iyo waxa uu ku saabsanaa, waxayna ballanqaadyo lagu taageerayo Dowladda cusub ee Federaalka Soomaaliya ka soo jeediyeen halkaas.
Xubnahaan waxay kaloo ka hadleen haweenka Soomaaliyeed sida ay diyaarka ugu yihiin inay garab istaagaan dowladda cusub, waxayna sheegeen in haweenka Soomaaliyeed ay wax badan ka soo qabteen xilliyadii lagu jiray soo shirarkii kala duwanaa ee ku saabsanaa Road Map-ka iyo marxaladii kala guurka, soo xulitaankii ergada iyo dhismihii dowladda cusub ee haatan dalka Soomaaliya u dhalatay, waxayna si guud ah ugu baaqeen dowladda ee uu horseedka ka yahay Dr. Xasan Sheekh Maxamuud inay qeexdo koontada haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dowladda, taasi oo ah 30%.
"Dowlad ayna ka dhex muuqan haweenka Soomaaliyeed suurtagal ma aha inay ka hanaqaado dalka Soomaaliyeed, mar haddii ay haweenku yihiin asaaskii iyo tiirkii dowladda, sidaa darteed waxaan ugu baaqeynaa xubnaha ugu sareeya dowladda, baarlamaanka iyo xukuumadda dhalan doontaba inaysan marnaba dhayalsan xuquuqda haweenka Soomaaliyeed" ayay yiraahdeen haweenkii ka hadlay kulankaas.
Intii uu socday kulankaas waxaa ereyo isugu jiray guubaabo iyo suugaan ka soo jeediyay Abwaan Suldaano iyo abwaan Xaliimo kuwaasi oo maansadooda ku muujiyay doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin horumarinta bulshada, wuxuuna kulankaas ku soo gabagaboobay sidii loogu tala galay.











Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|