|
Drogba oo Dakar Xalay Ku Samirsiiyay Senegal,iyo Ethiopia oo Galabta ku Badin weyday Gurigeeda
Mogadishu Axad 14 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Drogba oo Dakar Xalay Ku Samirsiiyay Senegal,iyo Ethiopia oo Galabta ku Badin weyday Gurigeeda
Xulka Ivore Coast ee Loogu Yeero Maroodiyaasha Qaarada Afrika ayaa Xalay Ku samirsiiyay 2-0 Xulka Sanegal oo a ku Booqdeen caasimada Dakar Ciyaar ka Tirsaneyd Isreebreebka Koobka Aduunka 2014 laguq abanayo Dalka Brazil.
Kulanaan oo ay Maroodiyaashu Gacan sareeyeen Waxaana eybtii Hore agu kala nastay 0-0.
qeybtii danbe markii la iagu soo Laabtay Xulka Ivoire Coast waxa a heleen Goolkoodii u Horeeyay Daqiiqadii 52 oo uu u dhaliyay Kabtan Drogba,Daqiiqadii 72 isla Xidigaan Drigba ayaa Rigoore ugu Labeeyay Xulkiisa Goolkii Labaad waxaan Ciyaartii a kud hamatay Ivoire Coast oo 2-0 ku Samirsiisay Sanegal.
Kulmada kale ee Qaaraada Afrika ee shalay dhacay waxaa ka mid ahaa Kuwa sida gaarka loo sugayay Tunis vs Sierra Lione oo ku kala tagay 0-0,Nageria vs Liberia oo 6-1 ay Nageria ugu awood sheegatay Liberia.Malawi vs Ghana oo Xulka Martida ahaa e Ghana uu ku Badiyay 0-1,iyo Kulankii Madaxweyanha Zambia uu Ku Hungoobay Balan qaadkiisii oo Ugandha ay 1-0 Rogoore ah oo uu dhaliyay Ciyaaryahankooda G.Massa u dhaliyay Daqiiqadii 27 waxaana Ciyaartu ay ku dhamaatay 1-0 .
Ka dib waxaa lagu daray waqti dheer ai si labada Xul loo Kala saaro waana ku kala bixi waayeen iyadoo Markaasi Rogooryaal la isku Daalay loo dhigay taasoo Aakhirkii keentay in Ugandha ay uga badiso Zambia 9-8 waxaan sidaasi ku haray Xulka Zambiya ee Madaxweynahoodu u sameeyay alanqaadka ah hadii xitaa Barbaro ay kud hameeyaan Ciyaarta inay helay Ciyaartoy kasta min 5000 doolar hase ahaatee ma noqon abaalmarintaasi mid marta Wadadeedii maadaama ay Guuldareysteen Xulkii Zambia ee Sanadkan 2012ka Ku Guuleystay Koobkii Qaramada qaarrada Afrika.
dhinaca Kale galabta waxaa 0-0 isku Macsalaameeyay Itoobiya vs Sudan Ciyaar ka dhacday Adis ababa Xarunta Dalka Itoobiya

Waxaa diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|