Somali News
    Hees  

Habsami u sameynta Maamulada G/ Jubbooyinka

Mogadishu Axad 14 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Ku:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mogadisho
Og:- Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mogadisho
Og:- Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka Jam. Fed. Som. Mogadisho
Og:- Wakiilka Qaramada Midoobey ee dalka Soomaaliya Mogadisho
Og:- Safiirka Dawladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Mogadisho
Og:- Safiirka Dawladda Kenya u qaabilsan Soomaaliya Mogadisho
Og:- Safiirka Dawladda Djabuti u qaabilsan Soomaaliya Mogadisho
Og:- Xafiiska Taliska Guud ee AMISOM Mogadisho
Og:- Ururka IGAD
Og:- Dhammaan Salaadiinta Beelaha Soomaaliyeed ee dega Gobolada Jubbooyinka.

Ujeeddo:- Habsami u sameynta Maamulada G/ Jubbooyinka.

Ugu horreyntii waxaan salaamaynaa madaxda aan kor ku soo xusney kuna socota fariinteena , gaar ahaan waxaan u hambalyeyneynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka. Somaaliya & Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda . Federalka Somaaliya.

Shir aan isugu nimid magaalada Muqdisho maanta oo ay taariikhdu tahay 09/10/2012 , dhammaan wax garadka Beesha Werdeey sida Suldaanka beesha Ugaaska Beesha, nabadoonada , Siyaasiyiinta , Aqoonyahanada , Culumaa’udiinka , dhalinyarada & Haweenka.

Shirkaas oo looga wada hadlaayey Qaabka ugu wanaagsan ee loo sameyn karo maamul ay u dhan yihiin beelaha wada dega Gobolada Jubbooyinka , dood dheer & talo ururin badan ka dib .waxay beesha werdeey go’aansatay talana ku soo jeedineysaa Sidan:-

  1. In Salaadiinta , Aqoonyahanada & Syaasiyiinta Beelaha Soomaaliyeed ee dega Jubbooyinka ay isugu yimaadaan shir si loo sameeyo dib u heshiisiin beelaha Deegaana dhexdooda,si xal loogu helo khilaafaadka soo jireenka ah ee Beelaha ka dhex jira.

  2. in laga tashado nabad ku soo celinta Goboladaas.

  3. In la derso dastuurka cusub ee Federaalka ah qaabka loogu dhaqmi karo gobol ahaan.

  4. In si dhab ah oo niyad ah loo wajaho maamul u sameynta Goboladaasi.

  5. In Dawladda Federaalka & Dawladaha daneeya Soomaaliya ay gacan ka geystaan taakuleynta hannaanka cusub & maamulka ka soo baxa goboladaas.

  6. Waxaan u hambalyeyneynaa dhammaan ciidamada Xoogga dalka & ciidamada AMISOM Guulaha ay ka gaareen Gobolada Jubbooyinka.

  7. Waxaanu diidanahay oo aanu ka soo horjeednaa wax kasta oo dibandaabyo ah , shirqool siyaasadeed , faragelin , ama koox gooni loo hubeeyo, lagana daayo siyaasadaha isd iidan oo aan horey uga soo daalnay .

FG.. Beesha Werdeey waa beesha ugu horeysay ee ee Beelaha kale ee Soomaaliyeed ugu yimaadeen dalweynaha Waamo oo manta loo yaqaano Jubbooyinka , haddana waxaan dooneynaa in beelaha kale si caddaalad ku jirto aynu la qaybsano ,siyaasadda , talada , kheyraadka , dhaqanka bulshada & wixii u dan ah beelaha Deegaanka ah ee Gobolada Jubbooyinka.

Wa Billaahi Towfiiq

  1. Suldaan Maxamed Buulle Jiirow ____________________________

  2. Ugaas Shide Dhimbil Maxamed ____________________________

  3. Nabadoon ,Maxamed Qaasim Macalin ____________________________

  4. Xildhibaan Cali Xasan Guyow _____________________________

  5. Aqoonyahan Faarax Salaad Boorow _____________________________

  6. Eng.C/Risaaq Xasan Geedi _____________________________

  7. Aqoonyahan Haashim Sheekh Mahdi _____________________________



Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)