|
Ciidammo dheeraad ah oo ka socda Dowladda Jabuuti oo soo gaaray Gobolka Hiiraan
Mogadishu Isniin 15 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidammo dheeraad ah oo ka socda Dowladda Jabuuti oo soo gaaray Gobolka Hiiraan.
Ciidammo dheeraad ah oo ka socda xukumadda dalka jabuuti ee aanu nahay
walaalaha ayaa soo gaaray gobolka Hiiraan ee gudaha dalka soomaliya
kuwaasi oo qeeyb ka ahaa ciidamo kale oo reer jabuuti ahaa oo halkaasi
kusugnaa in dhawalaba kuwaasi oo garayay ku dhowaad kun askari oo ka
tirsan AMISOM oo loo qorsheeyey iney gobolkaasi ka sugaan dhinaca
nabadgalyadda iyo xasiloonidda.
Ciidammadan oo ah kuwo si aad ah u hubeysan una tababaran kuna
hubeysan hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxaa lagu soo waramayaa
inay dalkoodda uga soo baxeen dhinaca lugta ah kuwaasi oo gobolka
Hiiraan ka soo galay dhinacaxadka ay soomaliya la wadaagto xukuumadda
dalka itobia ayagoo markoodii horena safar dhanka dhulka ah oo ay
Jabuuti ugasoo ambabaxeen kusoo maray Ethiopia.
Tirada Ciidammadan cusub ee soo gaaray gobolka Hiiraan ayaa waxa ay
yihiin 300 Askari waxaana ay wataan taangiyo ilaa 60 gaaraya sida ay
xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidammada ururka Midowga Afrika ee
AMISOM. Ee ka hawlgalla gobolkaasi Hiiraan.
Gobolka Hiiraan waxaa horey ugu sugnaa boqolaal askari oo ka tirsan
AMISOM islamarkaana ka yimid dalka Jabuuti ayadoo qorshuhuna uu yahay
iney Ciidammadan gobolkaasi kala wareegaan kuwa dalka Ethiopia oo
markii hore Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya gacan ku siiyey in
deegaanno iyo degmooyin ka tirsan bartamaha Dalkeenna laga xoreeyo
Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.ee halkaasi ka atalinaayay
Dadweynaha ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa imaanshiyaha ciidamadaan si
weeyn u soo dhaweeyay iyagoo kuwaan kuwii ka sii horeyna sidaas si la
mid ah usoo dhaweeyey.
Ciidammo ka socda Dalka Jabuuti ay deegaannada gobolkaasi ka
howlgalaan ayadoo ay sidoo kale dadku wada xusuustaan gurmadkii ay
Ciidammada dalka Jabuuti u fidiyeen dadka ay saameeyeen fatahaadaha
wabiga Shabelle todobaadyo ka hor.fatahaadaasi oo ay ku waxyeelobeen
dad iyo duunyo fara badan eek u noolaa gobolkaasi hiiraan.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|