Somali News
    Hees  

Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Uganda oo kulan yeeshay

Mogadishu Isniin 15 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Uganda oo kulan yeeshay

Hotelka Good Hope ee ku yaala magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa waxaa maanta oo Axad ah taariikhduna ku beegan tahay 14.10.2012 kulan ku yeeshay saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda.

Kulankaas ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee saxafiyiinta Soomaaliyeed, iska warqabka saxafiyiinta iyo sida wax looga qaban karo dhibaatooyinka soo noqnoqday ee mar waliba ay la kulmaan saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Waxaa kulankaas ka qeyb galay inta badan saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda oo ay ka mid ahaayeen Cabdi-nuur Maxamed Kediye, C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar), Mustafa Baaruud Cabdi, Cilmi Cusmaan Faarax (Boodhari), Axmed Cumar Xaashi (Taajir), Xasan Maxamed Cali (Anteena), C/fataax Sheekh Nuur(Aaloos), Muuse Maxamed Cusmaan, Bashiir Diiriye Naaleeye, Sakariye Axmed Muuse iyo kuwo kale.

Ugu horreyn waxaa hadalka furay Cabdi-nuur Maxamed Kediye oo sheegay in ay sii kordhayaan saxafiyiinta la dhibaateeyo ee dalka Soomaaliya ka soo cararaya, wuxuuna sheegay in bilihii ugu dambeeyay ay dalalka Uganda, Kenya iyo Jabuuti ay soo galayeen saxafiyiin fara badan, iyadoo buu yiri kuwo kalena ay sii joogeen dalalkaas, wuxuuna ugu baaqay hay’adaha caawiya saxafiyiinta inay indho gaar ah ku eegaan saxafiyiinta Soomaaliyeed ee qaxootiga ah oo dalkooda ka soo baxsaday.

Waxa kale oo uu ammaanay hay’adda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga iyo geeska Afrika oo uu sheegay inay saxafiyiin Soomaaliyeed oo dalkooda ka soo cararay ay wax u qabatay, isagoo xusay in wariyeyaal dhaawac ah oo ay ka mid ahaayeen Axmed Taajir iyo Xasan Anteeno ay hay’addu wax u qabatay.

Axmed Taajir oo isna kulankaa ka hadlay ayaa sheegay in dhibka ugu badan ee ka jira Soomaaliya loo geysto saxafiyiinta, kuwaasoo uu yiri in badan waa la dilay, kuwo kale oo badana waa la dhaawacay, wuxuuna sheegay in dilalkii loo geysan jiray ee bastooladda ahaa haatan loogu beddelay gowrac iyo in la isku qarxiyo oo ismaadin lagu dilo wadar wariyeyaal ah.

Wariyeyaasha ku nool dalka Uganda ayuu sheegay in ay soo wajahday xaalado adag oo xagga nolosha, shaqo la’aanta iyo iyagoo aan heysan wax daryeel ah wuxuuna dowladda Uganda iyo hay’adaha caawiya saxafiyiinta ka codsaday in saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka Uganda xaaladdooda la ogaado.

Waxa uu wariye Axmed Taajir si weyn u amaanay hay’adda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga iyo geeska Afrika oo uu sheegay in wariyeyaal badan ay wax u qabatay, kuwo ay siisay dhaqaale ay noloshooda ku maareeyaan, kuwana ay jaamacado ka bixisay, wax weyna ay u tartay wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Uganda.

Waxa uu tibaaxay inay jiraan dad dhaliil u soo jeediyay hay’adda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga iyo geeska Afrika, wuxuuna sheegay in haddiiba ay jirto cid dhaliilaysa hay’addaas waxa ay ku dhaliilayso aysan wax kale ahayne ay tahay maxay saxafiyiinta Soomaaliyeed u daryeelaysaa, ama ay wax u siinaysaa, wuxuuna sheegay in dhaliilahaasi aysan ahayn kuwo hay’adda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga iyo geeska Afrika hor istaagaya gacanta ay u fidiso saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Waxa uu Axmed Taajir sheegay in hay’adda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga iyo geeska Afrika aysan wax u qabanin kaliya saxafiyiinta Uganda ku sugane ay hadda kahor wax u qabatay saxafiyiin Soomaaliyeed oo dalka Jabuuti ku sugnaa, sidoo kalena ay mar waliba hay’addu isku howsho wax u qabashada saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool daafaha adduunka

Wariye Xasan Maxamed Cali (Anteeno) ayaa isna sheegay in markii lagu dhaawacay magaalada Boosaaso isagoo howshiisa saxafinimo gudanaya hay’adda u soo gurmatay ay ahayd hay’adda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga iyo geeska Afrika oo soo gaarsiisay lacag ka badan 5-kun oo dollar oo arrimihiisa caafimaad wax loogu qabtay, wuxuuna xusay in dhakhaatiitii qaliinka ku samayn lahayd ay diideen inay howshiisa guda galaan ilaa lacago laga siinayo, lacagtaasna ay bixisay hay’adda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga iyo geeska Afrika, wuxuuna sheegay inta waalidkiis iyo eheladiisa aysan la soo xiriirin waxa la soo xiriiray uu ahaa Guddoomiyaha hay’adda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga iyo geeska Afrika Dr. Xasan Shire Sheekh.

Saxafi C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar) ayaa isna ka mid ahaa saxafiyiintii kulankaas ka hadashay wuxuuna sheegay in loo baahan yahay saxafiyiinta Soomaaliyeed in ay iska war qabaan meel kasta oo ay ku sugan yihiin, wuxuuna xusay in saxafiyiinta ku sugan dalka Uganda ay ku sugan yihiin xaalad shaqo la’aan iyo daruufo xagga dhaqaalaha ah, loona baahan yahay in hay’adaha u dooda xuquuqda saxaafadda iyo aadanaha iyo kuwa qaxootiga qaabilsan sida UNHCR, IOM, ICRC iyo AMNESTY INTERNATIONAL, inay il gaar ah ku soo eegaan saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda.

Waxa uu Caaqil Dalmar ku taliyey in saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Uganda ku nool ay midoobaan iska war hayaan, isagoo xusay in maalin waliba ay jiraan saxafiyiin dalkii ka soo cararaysa oo Uganda soo galaya, wuxuuna wariyeyaasha cusub ee imaanaya Uganda ka dalbaday inay saaxiibadoodii ka horreeyay xiriir la sameeyaan.

Waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in saxafiiyiinta Soomaaliyeed ee Uganda ku sugan ay iska war hayaan, usbuuciina mar ama labo mar ay kulmaan, isla markaana ay xiriir joogta ah la sameeyaan hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo saxafiyiinta iyo kuwa qaxootiga daryeela.

Caaqil Dalmar waxa uu ammaanay hay’adda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga iyo geeska Afrika oo uu sheegay in qaar ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Uganda ku sugan ay wax badan u qabatay, kuwo badan ay kaalmo dhaqaale siisay, kuwo kalena ay Jaamacado geysay oo aqoontooda ay sii kororsadeen, wuxuuna ugu baaqay hay’adda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga iyo geeska Afrika in saxafiyiinta kale ee Soomaaliya ka soo cararay ay iyagana wax u qabato.

Cilmi Cusmaan Faarax (Boodhari) ayaa isna sheegay in loo baahan yahay in saxafiyiinta Soomaaliyeed ay mar waliba iska war hayaan, is kaashadaan, xaaladahoodana iska war qabaan, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay saxafiyiinta dhaliisha u soo jiidanaya hay’adaha caawinaya saxafiyiinta dhiban ee dalkooda ka soo cararay, wuxuuna sheegay in dhaliil been abuur ah oo la sameeyaa aysan waxba soo kordhinaynin.

Cilmi Boodhari waxa uu saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda uu kula taliyey in ay cabashadooda gaarsiiyaan hay’adda UNHCR si buu yiri xaaladdooda wax looga qabto.

Bashiir Diiriye Naaleeye ayaa isna sheegay in wax qarsoon aysan ahayn dhibaatooyinka saxafiyiinta Soomaaliyeed heysta, isla markaana loo baahan yahay in wax loo qabto, isagoo xusay in hay’adaha ku qaraabta magaca saxafiyiinta aysan waxba u qabanaynin, loona baahan yahay in la midoobo, wuxuuna sheegay in wiilkiisa oo isaga dartiis loogu dilay Muqdisho ay la soo xiriireen ururo saxafiyiin oo sheeganaya inay kaalmo u qabanayaan qoyskiisa balse aysan ilaa iyo hadda waxba siinin.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay inay saxafiyiinta Soomaaliyeed midnimo yeeshaan, ayna samaystaan urur ay ku midoobaan, wuxuuna dhankiisa sheegay in hay’adda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga iyo geeska Afrika ay ka fog tahay dhaliil loo jeediyo, isagoo xusay in wariyeyaal badan ay wax u qabatay.

Dhammaan Saxafiyiintii ka hadashay shirkaas waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in saxafiyiinta Soomaaliyeed ay midoobaan, iskaashadaan, iska warqabaan, waxayna ammaaneen hay’adaha wax u qabta saxafiyiinta, si gaar ah waxay hay’adda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga iyo geeska Afrika uga dalbadeen in wariyeyaasha cusub ee soo galay dalka Uganda iyagana gacan ay u fidiso.

Saxafiyiinta kulankaasi yeeshay ayaa waxay doorteen Guddi gaar ah oo ka kooban afar xubnood, kuwaas oo kala ah:

1. Axmed Cumar Xaashi (Taajir).

2. C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)

3. Muuse Maxamed Cusmaan

4. Mustafa Baaruud Cabdi

Ugu dambeyntii waxaa halkaas lagu shaaciyay magacyada saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Uganda oo hay’adda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga iyo geeska Afrika ay kaalmada siisay, kuwaasoo kala ah:

1. Cilmi Cusmaan Faarax Boodhari

2. Ibraahin Maxamed Xuseen (Jeekey)

3. Nimco Cabdi Xasan

4. Sahro Yuusuf Maxamed

5. Bashiir Diiriye Naaleeye

6. C/casiis Baabul

7. Xasan Kara-kataa

8. Maxamed Maxamuud Odawaa

9. Xasan Maxamed Cali (Anteeno)

10. Axmed Saadaq Yuusuf

11. Axmed Cumar Xaashi (Taajir)

12. Xasan Maxamuud Axmed (Xasan Fanax)

13. Sahro Cabdi Axmed

14. C/qaadir Axmed Colaad

15. Yaxye Maxamed Caddow

16. Artiste Maxamed Shaacir Akile

17. Abwaan Maki Xaaji Banaadir

18. C/nuur Maxamed Kadiye

19. Cumar Nuur Guutaale


W/D: Caaqil Dalmar

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)