Somali News
    Hees  

Afhayeenka Milateriga Kenya: "Maalin walba waxaa isku keen soo dhiiba dagaalyahano ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab, xaaladda.."

Mogadishu Isniin 15 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Afhayeenka Milateriga Kenya: "Maalin walba waxaa isku keen soo dhiiba dagaalyahano ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab, xaaladda.."

Col. Cyrus Oguna Afhayeenka milateriga Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Maleeshiyaadka Al-shabaab ay maalin walba isku dhiibaan ciidamadooda ku sugan Magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay afhayeenka inay soo hagaagayso xaaladda Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka waxa uu sheegay in xaaladda magaalada Kismaayo ay si tartiib tartiib ah u soo hagaagaysa, wuxuuna sheegay in magaalada dhaqdhaqaaqeeda ay la socdaan ciidamadooda oo gacan ka helaaya kuwa Dowladda Soomaaliya.

Col. Oguna wuxuu sheegay in maamul KMG ah oo sii wda howsha Magaalada Kismaayo ay magaaladaasi u magacaabeen tan iyo inta looga sameynayo maamul la wareega Kismaayo, wuxuuna dadka ku dhaqan ugu baaqay inay la shaqeeyaan maamulka loo magacaabay, islamarkaana dadka ku dhaqan magaalada ay gacan siiyaan maamulkaasi.

Dhinaca kale waxaa horay u jiray eedeymo ku aadan in Dowladda Kenya ay doonayso inay magaalada Kismaayo u magacowdo maamul ay iyaga raali ka yihiin oo ay wataan, , hase yeeshee eedeymahaasi ay Mas'uuliyiinta Dowladda Kenya iska fogeeyeen.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)