Somali News
    Hees  

Jaaliyada soomaaliyeed ee magaalada Örebro oo si weyn ugu dabaaldagtay Soomaaliya iyo Isbadalka cusub ee Siyaasada

Örebro Isniin 15 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Jaaliyada soomaaliyeed ee magaalada Örebro oo si weyn ugu dabaaldagtay Soomaaliya iyo Isbadalka cusub ee Siyaasada.

Munaasabada lagu soo dhaweynta isbedelka siyaadeed ee Soomaaliya oo ka dhacday magaalada Örebro ee Dalka Sweden oo lagu taageerayo Dowladda Cusub ee Soomaaliya laguna soo dhaweynayo madaxda cusub ee dalka.

Munaasabaddaan oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay hoolka weyn ee ku yaala Vivalla ”Vivalla Centrum” oo ku yaalla xaafadda Soomaalidu ay ugu badantahay ee magaalada Örebro. Iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay isaga soo kala hayaameen degmooyinka iyo tuulooyinka hoostaga gobolka ”Örebro Län” iyo magaalooyin waa wayn ee Dalka Sweden, si ay uga qayb qaataan munaasabadaan lagu soo dhaweynayo madaxda cusub ee soomaaliya.

Xafladaan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka dhalinyarada soomaaliyeed oo lagu magacaabo SUKI ee ka dhisan magaalada Örebro ee dalka Sweden. Qaban qaabada barnaamijkaan oo ay gacan wayn ka geysatay daladda SSR.

Ugu horentii waxaa xafladda furay Abdifitah Warsame oo ahaa xiriiriyaha barnaamijka isla markaana ka mid ahaa dhallinyaradii soo qaban qaabiyay xafladda ayaa dadkii munaasabadda isugu yimid oo usheegay inay xafladaan u qabteen isbadalka cusub ee dalka soomaaliya.

Ugu horeenti waxa lagu furay Aayado Quraanka Kariimka iyo wacdi uu soo jeediyay Sheekh Amiir oo ka mid ah Culumada magaalada, Waxaa markiiba la guda galay barnaamijka munaasabadda. Waxaa madasha qudbado wax ku ool ah ka jeediyay aqoon yahano, siyaasiyiin, Abwaano iyo odaayasha magaalada Örebro iyo hooyooyinka. Kuwaas oo ah ay ka mid ahaayeen Yaasiin Abdi Maxamed, Ahmed Waceys Dr Xuseen, Saciido Xasan Sabriye, Luul Maxamed iyo siyaasiga soomaaliyeed ee ku jira golaha deegaanka degmada Örebro Mudane Yuusuf Cabdow iyo Abwaanka da’da yar Naaji Ahmed Cilmo oo kusoo ban dhigay gabayo iyo ruwaayad dadwaynaha soo jiitay. Martia meesha ka hadashay oo si isku mid ah usoo dhaweysay isbedelka cusub ee soomaaaliya.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay dhalin yaro ku hadleyso magaca SUKI sida Suleman Abdullahi Xasan oo ka warbiyey wax qabadka Ururka SUKI iyo Anisa.

Waxaa xusid mudan waxgarad iyo aqoonyan aad u tiro badan oo munaasabadda ka soo qaybgalay. Waxgaradka iyo aqoonyahanka ka soo qayb galay munaasabadda oo ay ka mid ahaayeen Mustaf Ali Siyaa,Iidle Maryan Carriif, Canab, Cadar, sheekh ibraahim, Maxamed Warsame, Omar Cadaawe ”Gaduudow” iyo kuwo kale oo badan.

Munaasabaddaani oo si qurux badan u dhacday ayaa run ahaantii la wada qiray in ay tahay mid si heer sare ah loo soo diyaariyay, waxaana lagu soo bandhigay heeso wadani ah oo inuu qaaday fannaanka da’da yar Nadiir Ali Xaashi, majaajillado ka hadlaya xaaladda Soomaaliya iyo maanta, waxaana lagu qiimeeyay xafladdii ugu weyneyd oo si heer saro ah loosoo qaban qaabiyey kana dhacday magaalada Örebro ee bartamaha Iswiidhan.

Gebagabadii barnaamijka ayaa waxaa soo gunaanuday Abuukar oo ku hadlayay magaca jaaliyadda SUKI, isagoona u mahad celiyay guud ahaan dadkii ka soo qaybqaatay abaabulka iyo soo diyaarinta xafladda. Abukar iyo Abdifatah ayaa si gaar ah carrabka ugu adkeeyay una mahadceliyay Dalada SSR iyo dhamaan dhallinyaradii soo abaabushay oo waqtigooda iyo xooggooduba u huray qabsoomidda munaasabadaani lagu taageerayo isbedelka Siyaasada Soomaaliya.










Sawirada oo dhan halkan ka daawo.

https://skydrive.live.com/?cid=26d86ec49fd3a05d&id=26D86EC49FD3A05D%211013&Bsrc=
SkyMail&Bpub=SDX.SkyDrive&action=Download

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)