Somali News
    Hees  

GOS  oo Aqoon Kororsi Maamulka u Furay Xiriirada & Ururrada Isboorti

Mogadishu Talaado 16 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


GOS  oo Aqoon Kororsi Maamulka u Furay Xiriirada & Ururrada Isboorti

MUQDISHO: Guddiga Olambikada Soomaaliyeed ayaa  Xaruntiisa magaalada Muqdisho uga furay xubno ka socday Xiriirada iyo Ururada Isboorti  Aqoon Kororsi la xiriira Maamulka Isboortiga ee heer Qaran. 

"Aqoon Kororsigan la xiriira Maamulka Isboortiga waa mid sare loogu qaadayo mas`uuliyiinta ama howlwadeenada Isboorti ee heer Qaran, sida aad la socotaan GOS waxaa ka go`an inay aad u dhisto aqoonta heer maamul ee Xiriirada  sanadkiiba saddex jeer ayaana la qabtaa – waxaan rajeynayaa aqoonta aad kororsataan inaad ku dabaqdaan Xiriirada aad ka timaadeen si horumarka Isboortiga Soomaaliyeed u noqdo mid ku saleysnaada Maamul wanaag" sidaas waxaa yiri guddomiyaha XSKG ahna Kaaliyaha Xoghayaha guud ee GOS  Maxamed Xuurshe Xasan (Eenoow) oo ka hadlayay furitaanka Aqoon kororsigan.

Dhanka kale Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) ayaa ku daray dardaaran la xiriira ka qeybgalayaasha Aqoon kororsigan Maamulka Isboorti, wuxuuna ku adkeeyay inay si weyn uga faa`ideystaan casharada la siinayo si ay iyaguna ugu gudbiyeen xubnaha kale ee aan nasiibka u helin, wuxuuna raaciyay in aqoon kororsiyadii ka horeeyay ee noocan oo kale ay  muuqatay Xiriirada inay ka dhaxleen faa`idooyin dhanka Maamulka Isboortiga.

Si kastaba, Aqoon Kororsigan Maamulka Isboorti ayaa casharada lagu qaadanayay ka mid ahaa Maamulka Qorsheynta, Qabasho-Fulinta iyo Qiimeynta, waxaa casharada bixinaya Khabiirka  dhinaca Maamulka Maxamed Axmed Tarabi. Iyadoo ku talagalka uu yahay inuu socdo muddo labo maalmood 15-16/10/2012.




Isboorti.com Managing Editor
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2526-1-5520008/+14434409441
Email:buuna@isboorti.com 
Website:www.isboorti.com
Twitter: @BUUNA2 
Facebook: Click here 

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)