|
Baarlamaanka Soomaaliya oo si buuxda Codka kalsoonida u siiyay
Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya
Mogadishu Arbaco 17 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Baarlamaanka Soomaaliya oo si buuxda Codka kalsoonida u siiyay
Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Kulan maanta ay isugu imaadeen xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya ayaa waxaa ay si aqlabiyad leh codkooda ugu ansaxiyeen
R/wasaaraha cusub ee dhawaan uu soo magacaabay madaxweynaha
jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 225-mudane ayaa waxaa shir
gudoominaayay gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Prof. Maxamed Sheekh
Cusmaan Jawaari, waxaana kulanka ka soo qeybgalay madaxweynaha
Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha maanta la siiyay
kalsoonida.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa horay uga dalbaday gudoomiyahooda in
la horkeeno Baarlamaanka R/wasaare Cabdi faarax Shirdoon si codkooda
ay u siiyaan uuna u soo bandhigo qorshaha uu dejiyay xukumadiisa
afarta sano ee soo socota.
Ma jirin codkii loo qaaday cid ka aamustay ama diiday, waxaana
gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku dhawaaqay inuu ansaxyahay R/wasaare
saacid wixii ka danbeeyay saacadan.
Axadii la soo dhaafay ayay aheyd markii ay codsadeen in xildhibaanada
baarlamanaka la horkeeno R/wasaaraha si uu su oo bandhigo qorshahiisa
ku aadan waxqabadka iyo tayada ay yeelaneyso xukumada uu soo dhisi
doono.
R/wasaaraha la ansaxiyay ayaa sheegay in xooga uu saari doono arimaha
dibu heshiisiinta iyo horumarinta bulshada, waxaana isla maanta lagu
dhaariyay goobtii lagu ansaaxiyay.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|