|
Dawlada Hindiya oo sheegtay in Al-Shabaab tahay qatar Soomaaliya willi ka jirta
Mogadishu Arbaco 17 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dawlada Hindiya oo sheegtay in Al-Shabaab tahay qatar Soomaaliya willi ka jirta
Dawlada dalka Hindiya ayaa sheegtay in Xarakadda Al-Shabab ay willi tahay halis Soomaaliya ka jirta oo loo baahan in tilaabo laga qaado.
Hadal ay jeedisay wasiirka wasaradda arrimaha gudaha Hindiya haweeneyda la yiraahdo Preneet Kaur ayaa waxay ku sheegtay in Soomaali ay ku jirto xaalad adag oo willi ay jirto halista Al-Shabab waxaana ay intaa ku dartay in beesha caalamka looga fadhiyo inay gacan ka geystaan xasilinta Soomaaliya.
Arrimaha gudaha Soomaaliya ka jira ayay ku sheegtay inay tahay mid adag oo ay xustay in meelaha qaar ay willi Shababku awood ku leeyihiin meelo ka mid ah Soomaaliya.
"Xarakadda Al-Shabab waa halis ka jirta Soomaaliya oo loo baahanyahay in wax laga qabto" ayay tiri Preneet Kaur wasiirka arrimaha gudaha Hindiya.
Sidoo kale Preneet Kaur oo ka hadashay arrimaha Soomaaliya waxay soo hadal qaaday arrimaha kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo ay xustay in amaanka Soomaaliya ay caqabad muuqata ku yihiin.
Burcad badeeda Soomaalida ayay haweenaydaan xustay inay dhibaato badan ka abuureen biyaha Soomaaliya oo ay qal qal galiyeen gaadiid badeedka adeegsada biyaha Soomaaliya ku teedsan.
In la sameeyo ciidamo awood badan oo Soomaali ah oo biyaha Soomaaliya ka illaaliyaan burcad badeeda.
Hindiya ayay xustay inay saameyn badan ku yeelatay qafaalashada ay burcad badeeda Soomaalidu ka geystaan biyaha Soomaaliya oo ay qafaasheen maraakiib iyo doonyo Hindiya laga leeyahay.
Preneet Kaur waxay tilmaantay in dawlada Hindiya ay gacan biyoodka Cadan u maraan ganacsi lagu qiyaaso (160 billion oo Dollar) taasoo mararka qaar hakad gasha sida ay tiri.
Hindiya waxay ka mid tahay wadamada u ololeeya in lala dagaalamo burcad badeeda Soomaaliyeed oo inta badan dadka ay qafaashaan Hindi u badan yihiin .
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|