Somali News
    Hees  

Pakistan oo besha caalamka ka dalbatay in la taageero AMISOM

Mogadishu Arbaco 17 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Pakistan oo besha caalamka ka dalbatay in la taageero AMISOM.

Dowladda Pakistan ayaa beesha caalamka ka dalbatay in ciidamada midowga africa ka socda ee AMISOM lagu taageero howlgalkooda ka dhanka ah al shabab.

Ergeyga joogtada ah ee pakistan u fadhiya QM Masood Khan oo ka hor hadlayay 15ka dal ee golaha amaanka ee QM ayaa sheegay in ciidamada AMIOSM door muuqda ay ciyaareen dadaalka lagu doonayo xasilinta Somalia islamarkaana si la taaban karo ay u guteen waajibkii saarnaa oo aha in dowladda somalia ay taageeraan oo ay ka gacan siiyaan la dagaalanka xarakada al shabab.

Masood Khan Ergeyga joogtada ah ee pakistan u fadhiya QM ayaa tilmaamay in beesha caalamka looga baahanyahay in AMISOM la dhiiri gelin ay u sameeyaan si dalka somalia oo idil ay nabad ugu soo dabaalaan .

Haddii beesha caalamka ay dhabarka u xerato sidii ay u taageeri laheyd AMISOM waxaa suurto gal noqoneysa in dowladda somalia ay awood u yeelato maamulista dalka oo dhan.

“Ka saaristii AMISOM Al shabab ay ka saareen magaalooyin badan oo istaraatiiji ah oo kismaayo ay kamid tahay waa guul u soo hoyatay shacabka soomaaliyeed iyo wadamada daneeya arimaha somalia “ayuu yiri Ergeyga joogtada ah ee pakistan u fadhiya QM Masood Khan , waxana uu intaa ku daray in lama huraan ay tahay in beesha caalamka ay dhabeeyaan ballan qaadkii ay sameeyeen oo aheyd in AMISOM lagu taageero howlgalka ay ka wadaan dalka somalia .

Masood Khan waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in dowladda paksitan howlgalka AMISOM ay ku taageereyso dhaqaale iyo qalab militeri intaba.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)