|
Khadiijo Daahir ”Xiriirka ciyaaraha Fudud wuxuu qabanayaa tartamo kala duwan iyo seminaaro dhinaca Maamulka ah”
Mogadishu Khamiis 18 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Khadiijo Daahir ”Xiriirka ciyaaraha Fudud wuxuu qabanayaa tartamo kala duwan iyo seminaaro dhinaca Maamulka ah”
Marwo Khadiijo Aden Dahir oo ah Gudoomiye Ku xigeenka xiriirka ciyaaraha fudud isla maraakana ah ku simaha Gudoonka xiriirkaasi ayaa ka warbixisey howlaha ugu soo horeeya ee ay qabanayaan inta aan laga gudbin sanadkan 2012 iyo bilowga sanadka cusub oo ay xustey in tartamo badan iyo seminaaro dhinaca Macalimiinta iyo maamulka ay qaban doonaan.
Khadiijo Dahir ayaa sheegtay in howlo culus ay iminka horyaalaan xiriirka ciyaaraha fudud,iyadoo ugu horeyntii sharaxdey in xiriirka uu jagooyin u magacaabey labada Macalin ee fadhigoodu yahay dalka Mareykanka ee kala ah Cabdi warsame Isaaq & C/qaadir caraalle Cumar oo loo kala magacaabey Macalinka qaranka iyo Director.
“Maadaama ay yihiin labadaasi tababare dad qibrad balaaran u leh Athletic-adda waxaanu u dhiibney xilalkaasi,inagoo aaminsan in marka ay dalka yimaadaan bisha Janaayo ee sanadka cusub qaban doonaan tababaro iyo seminaaro dhanka dugsiyadda iyo tartan( Cross Country) oo nabadda lagu dhiiri gelinaayo”.
Waxaa ay ugu danbeyntii xustey in dhamaadka sanadkan 2012 ay qabanayaan ciyaarihii dugsiyadda gobolka banaadir,sidoo kale 15-21 novenber la qaban doono ciyaarihii maalinta macalinka Soomaaliyeed, waxaana raaci doona horyaalka ciyaaraha fudud iyo tartankii Jeneraal daa’uud oo xiriirka Athletic-ada sanad kasta uu qabto.
C/xafiid C/samad zaciimka
Somali Sports Writer
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|