Somali News
    Hees  

Hay’adda CCD oo markii ugu horeysay kulan wacyi gelin ah u qabatay dhallinyarada magaalada Marka

Mogadishu Khamiis 18 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Hay’adda CCD oo markii ugu horeysay kulan wacyi gelin ah u qabatay dhallinyarada magaalada Marka

Kudhowaad 200-dhallinyaro ah oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose iyo degaanada ku dhow dhow ayaa maanta isugu yimid kulan ballaaran xarunta waxbarashada Jabriil Macallim Barrow ee magaalada Marka.

Kulanka ay yeesheen dhallinyarada Marka ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax ka tirsan degmooyinka gobolka Sh/hoose qaarkood, ururrada dhallinyarada, Culumaa’udiin, Aqoonyahano iyo madaxda magaalada Marka.

Md. Axmed Macallim C/raxmaan “Cukaash”oo ah Guddoomiyaha degmada Mark a ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa waxa uu ka jeediyay kulanka ay isugu yimaadeen dhallinyarada degmada Marka iyo degaanada ku dhow.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha magaalada Marka in kulankaan oo kale dhallinyarada gobolka uu muhiim u yahay, bacdamaa ay uga tashanayaan arrimahooda taasi oo wax ka tareysa isku xirnaantooda iyo inay si wadajir ah uga hortagaan wax kasta oo cadow ku ah mustaqbalkooda.

“Hay’adda CCD waxaan uga mahad celinayaa sida ay u abaabushay iskuguna duba riday madasha ay isugu yimaadeen dhallinyarada degan magaalada Marka iyadoo 50-maalmood laga joogo xilligii kooxda Al-Shabaab laga saaray magaalada” ayuu yiri Guddoomiye Cukaash.

Waxaa kale oo uu sheegay in Hay’adda CCD ay tahay hay’adii ku soo dhiiratay magaalada Marka oo weli ay joogaan kooxihii Shabaab, isla markaana ciidamada iyo hubka ay weli daadsan yihiin waddooyinka magaalada Marka.

“Ka maamul ahaan dhallinyarada Marka waxaan u diyaarineynaa goobihii ay ku madadaali jireen sida garoomada Isboortiga, waxbarashada, iyo waliba inaan horumarkooda kor u qaadno” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Marka oo dhallinyarada degaanka u sameeyay ballanqaadayo kor loogu qaadayo mustaqbalkooda dambe.

Madaxa xiriiriyaha hay’adaha samafalka ee magaalada Marka Md. C/llaahi Faarax Maxamed oo ka mid ahaa madaxdii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay kulanka ay isugu yimaadeen dhallinyarada degmada oo tiradoodu gaareyso 200-dhallinyaro ah iyagoo aan colaad ka shaqeyneynin.

Xiriiriyaha ayaa ku booriyay dhallinyarada degmada Marka iyo guud ahaan dhallinyarada degan degmooyinka kale ee gobolka Sh/hoose inay ka shaqeeyaan nabadgelyada, isla markaana wacyi geliyaan asaagooda ay marin habaabiyeen kooxda Al-Shabaab, isagoo kula dardaarmay dhallinyarada inay soo saaraan dembiilayaasha ku dhex dhuumanaya.

Waxaa munaasabadda kulanka dhallinyarada Marka khudbad ka jeediyay Guddoomiye K/Xigeenka degmada Marka ee dhinaca dhaqaalaha Md. Maxamed Cusmaan Cali oo kula dardaarmay dhallinyarada inay wax kasta ku guuleysan karaan haddii ay isku duubni muujiyaan, wuxuuna caddeeyay inay sameynayaan amaba maamulka degmada uu fulinayo wax kasta oo dhallinyaradu horumar ku gaari karto, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhowaan magaalada Marka ay ka furayaan tartan Isboorti oo is dhex galka bulshada degmada ku saabsan.

Abwaan Axmed Cawil Maxamuud oo ka mid ahaa dhallinyaradii kulanka ka qeyb qaadatay ayaa halkaasi ka soo jeediyay tix gabay ah oo si weyn u soo jiitay dareenka dhallinyarada kale, ayaa muteystay abaal marin lacageed oo Hay’adda CCD u garatay, iyadoo deeqdaasina ay guddoonsiisay Sahra Maxamuud Amiinoo ah madaxa arrimaha Haweenka ee Hay’adda wadahadalka bulshada (CCD).

Dhinaca kale kulanka dhallinyarada degmada Marka oo midkii ugu weynaa ee ay yeeshaan tan iyo markii magaaladaasi laga saaray ururka Al-Shabaab ayaa iyagu aragtiyo kala duwan ka soo jeediyay halkaasi, iyagoona ka codsaday Hay’adda CCD inay joogteyso kulamada dhallinyarada.












Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)