Somali News
    Hees  

Wariyaasha Soomaaliyeed waxay u dhintaan musuq maasuq dartiis
(Warbixin lagu qoray wargeyska The Guardian)

Mogadishu Khamiis 18 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Wariyaasha Soomaaliyeed waxay u dhintaan musuq maasuq dartiis
(Warbixin lagu qoray wargeyska The Guardian)

Jamaal Cusman oo ah wariye u shaqeeya Tv-ga Chanel 4 oo fadhigiisu uu yahay magaalada London ee caasimadda dalka ingiriiska ayaa waxa uu qoray warbixin ka fog xaqiiqda oo uu uga hadlay saxafadda soomaaliyeed , waxana uu ku tilmaamay kuwo musuq maasuq badan oo dilka la dilayo gacantooda ku kasbada.

Jamal oo ku nool wadanka united kingdom ama uk ayaa warbixintiisa waxaa lagu daabacay wargeyska the gardian ee isna ka soo baxa dalka ingiriiska taariikhdu markii ay aheyd 11ka bishan October.
Warbixinta oo ka kooban labo bege ayaa jamal waxa uu kaga hadlayaa habka ay u shaqeeyaan saxaafadda soomaaliyeed gaar ahaana kuwa ku sugan gudaha somalia , waxa uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo qaata lacagta loo yaqaano sharuurka .

Mas’uulkii diida inuu bixiyo sharuur waxa uu sheegay in warkiisa aan tixgelin la siinin ,
Jamal osman waxa uu leeyahay “wariyayaasha waa kuwo qaata sharuur , waxana haddii aan la siinin sharuurkaasi ay yihiin kuwo aan qanacsaneen oo si aan wanaagsaneen u diyaariya wararka taas oo dhallin karta in wariyaha la dilo.

Iyagoo ka shaqeenaya dal aan dowlad laheyn shaqeenayana waqti adag ayaa hadana waxa ay u muuqdaan kuwo shaqadooda ka eegaya dantooda gaarka ah oo aan ku fikirin xaaladda qatarta ah oo ay ku jiraan
Jamal ayaa waxa uu warbixintiisa ku leeyahay “Sanadkan 2012ka waxaa siyaabo kala duwan loo dilay 12 wariye , inkastoo ay tahay dambi weyn in ruux wariye ah la bartilmaamsado ayaa hadana waxaa jirta in wariyayaashu ay yihiin kuwo muhiimad gaar ah aan siin shaqadooda oo kaliya eega dhanka dhaqaalaha”.

Warbixinta jamal uu qoray ayaa waxa uu ku sii leedahay” waxaad arkeysaa markii uu Mas’uul qabto shir jaraa’id , shirka jaraa’id kadib wariyayaashu waa kuwo sugaya sharuur , sharuurkaas ayuu sheegay in mararka qaar uu dagaal wariyayaasha dhexdooda ah uu ka dhasho , haddii sharuurka la siiyay uu noqon waayo mid ay ku qanci waayeen waxa ay ku dhaqaaqayaan talaabo ah in si uusan jecleysan mas’uulka qabtay shirka jaraa’id ay u diyaariyaan warka taasna wariyuhu waxa ay ka dhigeysaa bartilmaameed , waxana suurto gal ah in shirqool ku aadan sidii loo dili lahaa la maleego.

Lacagta sharuurka ah oo ay wariyayaashu qaataan ayaa jamal waxa uu sheegay inay gaareyso 1000 lacagta ingiriiska ah ama ay intaasi ka badan tahay taasina waa mid wariyayaasha soomaaliyeed sumcaddooda baabi’isay.

Jamaal osman waxa uu warbixintiisan ku leeyahay” wariyayaasha u shaqeeya dowladda iyo wariyaasha kale ee taabacsan dowladda waa kuwo ciidan xiriirna la leh kooxaha mucaaradka sida al shabab oo kale , al shababna marnaba ma sheegin dilka wariye marka waxaa adkaaneysa in la ogaado cidda dishay ayaa jamal warbixintiisu uu ku leeyahay.
Jamal osman oo ah wariyaha warbixintan ku qoray wargeyska the gardian waxa uu sidoo kale tilmaamayaa wariyayaal beesha caalamka la yiraahdo afka qalaadna lagu dhaho international Community .

Jamal waxa uu leeyahay “waxa uu leeyahay waxaa jira wariyayaal badan oo loo yaqaano beesha caalamka waana magic ay iyaga isku bixiyeen mana ka howl gelaan Media , waxana ay wataan Gamero , Record , bookaga noteka lagu qoro iyo aalado kale, wariyayaashaas beesha caalamka la yiraahdo waxa ay isku ekeysiiyaan hab wariyinimo ah waxan ay aadaan goobaha lagu qabto shirarka jaraa’id iyagoo ku qaraabta media aysan ka shqeynin , waxa ayna ka soo qaataan sharuur oo ah lacagta la siiyo wariyaha sidaas ayaana dabeecad u noqotay waa sida jamal warbixinta uu qoray uu ku leeyahay.

Jamal osman oo warbixintan ku qoray wargeyska the guardian ayaa tilmaamaya in waqtiyadii hore ay jirtay is aaminaad u dhexeeysa milkiilaha idaacadda iyo wariyaha oo ku aadan lacagaha la soo qaadanayo , waxana dhici jirtay in milkiilaha idaacadda markii loo keeno lacagaha sharuurka ah uu wax uun u garto wariyihii jeenay warka laakin hadda waxaas ma jiraan , waxaa inta badan dhacda is qabqabsi u dhexeeya milkiilaha idaacadda iyo wariyaha kuna saabsan sharuurka.

Milkiilayaasha idaacaduhu waa kuwo aan ku kalsooneyn wariyahooda sababo la xiriira shuruurkaasi.
Magaaalada muqdisho waa ka ka jira labo maleeshiyo sida jamal warbixintiisa uu ku leeyahay .

Mid waxa uu wataa qori waxana uu ku raadsadaa xaqiisa , midna waxa uu wataa kaamiriro , waxana uu isticmaalaa hab waliba oo uu lacag kaga heli karo mas’uuliyiinta.

Jamal osman waxa leeyahay mar ayaan socdaal ku tagay muqdisho waxana aan aaday degadda si aan halkaasi barnaamij uga soo diyaariyo , markii aan tagay degedda ayaa durbadiiba waxaa I handaday sarkaal boolis ah waxana uu si xanaaq ah uu ii weydiiyay isagoo farta ku fiiqaya koox wariyayaal waxana uu igu yiri adiga ma kuwaas ayaad kamid tahay.

Jamal ayaa waxa uu leeyahay aniga wax fikir ah maan ka heysan su’aasha uu I weydiiyay sarkaalkasi booliska ah , waan isku sheegay , waxana u sheegay waxa aan ahay iyo waxa aan doonayo .

Jamaal ayaa waxa uu leeyahay “sarkaalkii ayaa ayaa iiga sheekeeyay sida ay wax u jiraan waxana uu igu yiri kuwaas waa wariyayaal arbushaad meesha ku haya waxana ay doonayaan in la siiyo sharuur haddii aan la siinina waxa ay ku hanjabayaan in warar aan jirin oo xumaato ah ay baahinayaan .

Jamaal ayaa intaasi sii raacinaya in sharuurku uu yahay udub dhexaadka ama qeyb kamid ah newska la diyaarinayo .
Wariyayaasha waa kuwa aada mas’uuliyiinta iyo ganacsatada kolka ay jeebkooda lacag ay ka waayaan si ay uga soo qaataan lacago , hadii lacagta loo diido waxa ay dhanka afka ay kula dagaalayaan mas’uuliyiinta ama ganacsatada u soo diiday sharuurka taasina waxa ay wariyuhu u keeni kartaa dhibaato.sida jamal uu leeyhaay.

Waxana uu taasi ku tilmaamayaa caqabad heysata wariyayaasha ka howlgala Somalia gaar ahaan muqdisho.
Jamal waxa uu sidoo kale tilmaamayaaa in wariyayaasha sidoo kale ay la kulmaan fal dil ah sababta loo dilanayo ay tahay beesha uu ka soo jeedo , waxana dilaya ruux doonaya inuu ka aargoosado beesha uu wariyuhu ka soo jeedo , ruuxaas dilka fulinaya ma isweydiinayo inuu dilayo wariye waxana uu u tixgelinayaan ruux beesha uu la dagaalsanyahay ka tirsan.
Hadii la dilo wariya fal celintu waa oh ama alla sii dabakacna ma jirto.

Gabagabadii jamaal ayaa warbixintiisa waxa uu ku leeyhay haddii wariyayaasha soomaaliyeed tixgelin gaar ah ay siiyaan howshooda musuq maasuqana ay iska daayaan waxa ay noqonayaan kuwo aan la dilin oo bartilmaameedkoodu uu yaraado.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)