Somali News
    Hees  

Xildhibanada Soomaaliya oo dib u dhigay Ansixinta Miisaaniyad loogu talo-galay inay Dowladdu ku shaqeynayso mudo 3 bilood

Mogadishu Khamiis 18 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xildhibanada Soomaaliya oo dib u dhigay Ansixinta Miisaaniyad loogu talo-galay inay Dowladdu ku shaqeynayso mudo 3 bilood

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dib u dhigay ansixinta miinaasiyad loogu talogalay inay dowaddu ku shaqeyso 3 bilood uu sanadkan ka dhiman kaddib doodo adag oo ay xildhibaannadu ka yeesheen miisaaniyaddan.

Fadhiga Maanta ayaa waxaasoo xaadiray 170-Mudane oo Xildhibaanda ka tirsan kulanka waxaa furay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo sheegay in miisaaniyaddan ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda iyo lacagta loona keenay in baarlamaanku cod u qaado.

Miinaasiyaddan lacageed oo ka badan 37 milyan oo doollarka Mareykanka ah ayaa waxaa horay u soo ansixiyay golaha wasiirrada xukuumaddii waqtigeedu dhammaaday, iyadoo ansixinteeda dib loo dhigay illaa toddobaadka soo socda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo ugu dambeyn ka hadlay kulankii baarlamaanka ayaa sheegay inay dib u dhigeen cod u qaadidda miisaaniyaddan illaa maalmaha Axadda iyo Isniinta toddobadka soo socda ayna u saareen guddi gaar ah inay dib eegis ku sameeyaan miisaaniyaddan.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)