Somali News
    Hees  

Soomaali ka carartay Dalka Suuriya oo laga hor istaagay in ay galaan wadanka Masar

Mogadishu Khamiis 18 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Soomaali ka carartay Dalka Suuriya oo laga hor istaagay in ay galaan wadanka Masar

Dowlada Masaarida ayaa u diiday in dalkeeda ay galaan Soomaali kasoo carartay dagaallada ka socda dalka Suuriya, kaddib markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee Masar shalay oo Arbaco ahayd iyadoo wata dal-ku-gal ama fiisooyin sharci ah.

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Masar, C/llaahi Cali Afrax ayaa sheegay in Masaarida ay dib loogu celiyay dalka Suuriya, muwaadiniin Soomaaliyeed isagoo sheegay in lagu celiyay goobo colaado ay ka jiraan oo ay markii horeba naftooda kala soo carareen.

Qoysas iyo Arday ayeey isugu jiraan Soomaalida kasoo cararay dagaallada Suuriya , waxayna u adkeysan waayeen dagaalka ka socda dalkaas ee u dhexeeya dowladda iyo kooxaha muraacadka ah oo kusii fidaya magaalooyinka Suuriya oo dhan.

Qoyas badan oo Soomaaliyeed ayaa horay uga cararay dagaallada ka socda dalka Suuriya, waxaana qoysaskaas ay qaarkood galeen dalalka dariska la ah Suuriya sida dalka Turkiga, iyadoo kuwo kalena ay aadeen dalalka Yurub iyo Waqooyiga Ameerika oo ay markii hore ka yimaadeen.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)