Somali News
    Hees  

Suxufiyiinta K/Afrika Oo Dalbaday In Lasiidaayo Suxufi Maalintii 4aad u Xiran Dowladda Somalia

Mogadishu Khamiis 18 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Suxufiyiinta K/Afrika Oo Dalbaday In Lasiidaayo Suxufi Maalintii 4aad u Xiran Dowladda Somalia

Dhaqdhaqaaqa Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee K/Afrika oo marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano SOJASA, ayaa tallaabo aan laga fiirsan ku sifeeyey falkii ay Ciidamada Nabad Sugidda Somalia xarunta Idaacadda Goobjoog FM ee Muqdisho uga kaxaysteen mid ka mid ah wariyaasha ugu firfircoon Idaacadaasi.

Maxamed Deeq Muuse Nuur, oo madax ka ah Ururweynaha Suxufiyiinta Soomalaida S/Afrika, ayaa ugu baaqay Dowladda Somalia inay si deg deg ah loosiidaayo Wariye Qadar Maxamuud Xareed oo maalintii 4aad ujeedo aan wali la shaacin ugu jira gacanta Ciidamada Nabad Sugidda.

"Waa sharci daro in qof aan dambiga uu galay la shaacin la iska haysto muddo ka badan 24saacadood, iyadoo aan wax maxkamad ah lasoo saarin, maantana waa maalintii 4aad ee xoriyad la'aan uu ku jiro saaxiibkeen Qadar yare mana aha tallaabo la aqbali karo, waxaanse ka codsanaynaa Madaxda Dowladda gaar ahaan Madaxweynaha iyo R/wasaaraha iyo Hay'adaha amaankaba inay gacan weyn ka geystaan sii deynta Wariye Qadar Maxamuud Xareed" sidaana waxaa yiri C/risaaq Yuusuf Cabdalla (Kampala) oo ka mid ahaa Suxufiyiintii sababaha amaan dari ugasoo cararay Caasimadda Somalia iminkana ku sugan Koonfur Afrika.

Qadar Maxamuud Xareed oo ah Madaxa Barnaamijyada ee Goobjoog FM oo ka mid ah Idaacadaha madaxa banaan ee ka jira Magalaada Muqdisho, ayaa maalintii afaraad si xaq darro ah ugu xiran ciidamada Nabad sugidda ee Dowladda Somalia, kuwaasi oo si xoog ah ugala baxay xarunta Idaacadda maalinimadii Isniinta aheyd.

By C/risaaq Indha Jaceyl
Cape Town, South Africa

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)