Somali News
    Hees  

Xiriirka Ciyaaraha Fudud oo Macalin Cabdi Warsame iyo Caraalle u magacaabey jagooyin sare

Mogadishu Khamiis 18 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xiriirka Ciyaaraha Fudud oo Macalin Cabdi Warsame iyo Caraalle u magacaabey jagooyin sare

Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud ayaa waxaa ay magacaabeen Macalin iyo Director dhinaca qaranka ciyaaraha fudud ee dalka waxaana jagooyinkaasi loo kala magacaabey Tababare Cabdi Warsame Isaaq iyo C/qaadir Caraalle Cumar kuwaasi oo iminka ku sugan dalka Mareykanka.

Tababare Cabdi Warsame Isaaq ayaa loo magacaabey Tababaraha Xulka ciyaaraha fudud ee Somaliya (Head Coach), sidoo kale Macalin C/qaadir Caraalle Cumar ayaa loo magacaabey (Athletic –Director) in America sidaasi oo ay xaqiijiyeen masuuliyiinta ugu sareysa xiriirka Ciyaaraha Fudud ee dalka.

Labada macalin oo caan ka ah dalka Somaliya,ayaa waxay ka shaqeynayeen sanadihii ugu danbeeyey horumarinta iyo soo saarista ciyaaryahano dhanka ciyaaraha fudud ee dalka dibadiisa gaar ahaan Mareykanka oo ay ku sugan yihiin.

Cabdi Warsame Isaaq oo ah Gudooomiyaha ciyaaryahanada ciyaaraha fudud ee qurba joogta ayaa waxaa uu ka shaqeeyaa dugsiyada ku yaala dalka Mareykanka halkaasi oo uu ka dhigo ama ku tababaro ciyaaryahanada ciyaaraha Athletic-adda, waxaana uu gacanta ku hayaa ciyaartoy badan oo Soomaaliyeed oo mustaqbal ku leh qeybta Athletica-ada.

Labada tababare ayaa hore uga qeyb galey seminaaaro badan oo ka dhacay dalalka Yurub America iyo Africa, seminaarkii ugu danbeeyey ee ay ka qeybgaleen waxaa uu ahaa mid ka dhacay dalka Kenya oo tababarayaasha qaaradda Africa loogu qabtey waxaana Somalia u metelayey Cabdi Warsame Isaaq, sidoo kale C/qaadir caraalle ayaa dalka Djabuute ugu qeybgaley seminaar dhinaca Olympic-ska ah.

http://www.somali-youth.org/news.php?readmore=584

Labada Macalim ayaa laga dhowrayaa inay wax weyn kusoo kordhiyaan horumarinta iyo tababarida Macalimiin iyo ciyaaryahano ciyaaraha fudud oo dalka Somalia uu yeesho,iyagoo iman doona dalka horaanta sanadka cusub ee 2013.

C/xafiid C/samed Zaciimka
Zaciimka02@hotmail.com

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)