Somali News
    Hees  

Musharaxa maamul gobaledka Garissa ee gobolka waqooyi Bari ee Kenya

Mogadishu Khamiis 18 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Agaasimihii hore Biyaha ee gobolada Bariga iyo Waqooyi Bari Kenya Maxamed Muwluud Shuuriye oo ku dhawaaqay in uu kaimid noqoni doono musharaxiinta Govnernor ka gobolka Gaarisa.

Maxamed Mowluud Shuuriye oo in badan ahaa agaasiimaha guud ee Biyaha gobolka Bariga iyo gobolka waqooyi bari dalka Kenya ayaa si rasmi ah ugu soo biiray musharaxiinta u taagan jagada Governor ka gobolka Gaarisa.

Maxamed Mowluud Shuureye waxaa uu haayay xilka Biyaha goboka Bariga iyo gobolka waqooyi bari dalka Kenya mudo dheer waxuuna iska casillay isbuucan gudahaasa markii uu si rasmi ah u go'aansaday in uu ku biiro musharaxiinta kale ee doonaya jagada Govnernor ka gobolka Gaarisa, kuwaa soo kala ah Cali Bunoow Qarane oo ka tirsanaani jiray saraakiisha ciidamada xooga dalka Kenya kadibna noqday gudoomiyaha magaalada Mombasa xiligii dowladii Daniel Arap Moi. noqdayna agaasiimaha wasaarada madaxtooyada dowladii Daniel Arap Moi. 

waxaa kale oo musharax u ah jagadaasi labo nin oo kala ah Nadiif Jaamac Deerow oo ah ganacsade kana soo shaqeeyay Bangiga aduunak iyo Maamulihii dugsiga sare ee looyaqana GSS magalada Gaarisa Macalin Haruun Muxumed Yussuf oo asagana mudo dheer ahaa maamula dugsiyada sar sare ee gobolka waqooyi Bari Kenya.

IjaraNews
Gaarisa

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)