Somali News
    Hees  

Muwaadin Soomaaliyeed oo la ogaday in al shabab si buuxda uu u taageeri jiray

Mogadishu Jimco 19 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Muwaadin Soomaaliyeed oo la ogaday in al shabab si buuxda uu u taageeri jiray.

Maxkamad ku taala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka mareykanka ayaa muwaadin soomaaliyeed oo magaciisa la yiraahdo Mahamud Said Omar oo 46 sano jir ah waxa ay ku heshay dacwadihii loo heystay oo 5 gaarayay kuwaas dhamaantoodba ahaa taageero uu u fidiyay xarakada al shabab oo somalia ka dagaalanta.

Maxkamadda ayaa sheegay in baaritaano la sameeyay iyo wareysiyo ay la yeelatay Mahamud Said Omar uu qirtay in al shababka somalia uu caawinayay islamarkaana uu ka gacan siinayay dhinacyada dhaqaalaha, baraarujinta dhallinyaro somali mareykanka ah iyo sidoo kale abaabulis weeraro argigixisinimo ah oo laga geysto gudaha dalka mareykanka.

Guddoomiyaha maxkamadda qaadeysay dacwadaha loo heystay Mahamud Said Omar ninka magaciisa Michael Davis ayaa warbaahinta u sheegay in ay ogaadeen in ninkan soomaaliga ah intii u dhexeysay bishii September 2007 ilaa iyo bishii October 2009 xarakada al shabab uu u diray lacago sida uu sheegay jihaadka loogu talagalay.

Gudoomiyaha maxkamadda Michael Davis ayaa sidoo kale sheegay in muwaadinkan soomaaliyeed la xukimidoono balse ma uusan sheegan xilliga rasmiga ah oo maxkamaddu ay ku dhawaaqeyso xukunka.

Dalka mareykanka gaar ahaan gobolka minisoota ayaa waxa ku nool 32 000oo soomaali ah, waxana dhallinyaro gobolkaasi ku sugnaa qaarkood la ogaaday in falal ismiidaamin ah ay ka geysteen dalka somalia .

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)