Somali News
    Hees  

Sarkaal Al qaacidda ah oo socdaal Soomaaliya ah ka soo laabtay oo lagu xiray dalka Yeman

Mogadishu Jimco 19 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Sarkaal Al qaacidda ah oo socdaal Soomaaliya ah ka soo laabtay oo lagu xiray dalka Yeman

Dowladda yeman ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay sarkaal sare oo ka tirsan al qaacidda kaas oo ka dhexmuuqda liiska xubno dowladda mareykanka ay si aad ah u baadi goobeysay .

Saraakiisha dowladda Yeman ee ku sugan gobolka Xadramoot ee dalka Yeman ayaa warbaahinta u sheegay inay qabteen islamarkaana uu u xeranyahay sarkaal caan ah oo al qacidda ka tirsan kaas oo ka soo laabtay socdaal uu ku gaaray dalka somalia isagoo kulamo la soo qaatay madaxda ugu sar sareysa xarakada al shabab sida saraakiisha dowladda Yeman ay sheegeen.

Saraakiisha dowladda Yeman ayaa hadalkooda intaa ku daray in sarkaalkan laga qabtay degedda la yiraahdo Dhibah ka soo laabashadiisii dalka somalia , waxana ay sheegeen in ciidamada ammaanka
dowladda yeman ee ku sugan gobolka xadramoot la soo wargeliyay islamarkaana qabashada sarkaalkan ka tirsan al qaacidda uu ahaa mid qorsheysan.

Dowladda Yeman ma aysan sheegin magaca sarkaalkan al qaacidda ka tirsan oo somalia ka soo laabtay, waxana warar hoose ay shegayaan in dowladda sarkaalkan loo gacan gelin doono dowladda mareykanka oo si aad ah u baadi goobeysay.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)