|
Golaha Sare ee Culuma'udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo cambaareeyey mamnuucidi Al Shabab ee Hey'ada Islami Relief
Mogadishu Jimco 19 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Golaha Sare ee Culuma'udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo cambaareeyey mamnuucidi Al Shabab ee Hey'ada Islami Relief
Golaha Sare ee Ahlu sunna Waljamaaca ayaa cambaareeyey mamnuucidi ay dhawaan Al Shabab ka mamnuuceen deegaanada ay ka taliyaan Hey'ada Samafalka ee Islamic Relief.
Bayaan maanta oo Jimca ah kasoo baxay Golaha Sare ee Ahlu Sunna ayaa lagu sheegay in go,aanka ay kooxda Shabab uga joojisay Hey'adaani in ay ka howlgasho meelo badan oo ka tirsan Soomaaliya mid qalad ah oo lagu fududaaday.
Waxa Goluhu uu sheegay in tani aysan raad ku laheyn Islaamka isla markaana ay tilmaan u tahay siyaasada guracan ee ay Al Shabab ku dooneyso in ay kusii dheereyso dhibaatooyinka isbiirsaday ee ka jira dalka Soomaaliya.
"Hey'ada Islamic Relief waxaan ognahay in ay tahay hey'ad wadata magac Islaami ah una taagan caawinta dadka Muslimiinta iyo dhamaan qof kasta oo dhibaateysan, go,aanka qaldan ee ay Shabab ka qaateen hey'adani ayaa cadeynaya sida ay uga go,antahay kooxdan in ay hor istaagto gargaar walba oo loo wado dadka Soomaaliyeed ee danyarta ah iyo kuwa aanan wali kasoo kabsan abaarihi dalka ka dhacay sanadki hore," ayaa lagu yiri bayaanka.
Golaha Sare ee Ahlu Suna Waljamaaca ayaa ugu baaqay Al Shabab in ay ogolaadaan in ay u ogolaadaan Hey'adaha samafalka kuwa maxaliga ah iyo kuwa caalamiga sidi ay gargaar u gaarsiin lahaayeen meelaha yar ee fara ku tirisika ah ee ay hada maamulaan.
Al Shabab ayaa war uu ku daabacay boga ay ka leeyihiin twiterka 8-di bishan October ku mamnuucay Hey'ada xarunteedu tahay dalka Ingiriiska ee Islamic Relief kadib marki ay ku eedeeyeen in ay dalka ka qabato shaqooyinka Hey'ada WFP oo ay horay sidaan oo kale uga mamnuuceen deegaanada ay ka arrimiyaan ee dalka Soomaaliya.


Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|