Somali News
    Hees  

Gudiga Xiiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta oo ka dalbaday AMISOM inay baneeyaan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho

Mogadishu sabti 20 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Gudiga Xiiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta oo ka dalbaday AMISOM inay baneeyaan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho

C/qani Saciid Carab xoghayaha Xiriirka Sooamaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa ka codsaday ciidamada AMISOM inay isaga ka guuraan garoonka kubadda cagta Muqdisho (Stadium Muqdisho) si loogu qabto ciyaaraha kubadda cagta ah.

Xiligan Garoonka waxaa saldhig ciidan uu u yahay Cutub ka mid ah Ciidamada ciidamada Midowga Afrika iyadoo aan wax dayactir ah lagu sameyn wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, waxaana dhowr jeer oo hore saldhigyo ka dhigtay Ciidamadii hogaamiye kooxedyada ama hogaamiye diimeedyada Sida Alshabaab.

Mr:Carab wuxuu sheegay in isaga iyo xubno ka tirsan wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya ay booqdeen garoonka, ayna ku arkeen ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa AMISOM oo saldhig militari ka dhigtay garoonka.



Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)