|
Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo duqaymo ku dilay Saraakiil Al-shabaab ka tirsan.
Mogadishu sabti 20 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo duqaymo ku dilay Saraakiil Al-shabaab ka tirsan.
Waraka ka imaanaya deegaanka Dhoobleey ee gobalka J/Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka dhacday duqeymo dhanka cirka ah oo ay geysteen diyaaradaha Dowladda Kenya oo qeybta ka ah ciidamadda midowga Africa ee AMISOM.
Dadka ku dhaqan deegaanka Dhoobleey ayaa saxaafadda u sheegay inay arkayeen labo diyaaradood oo nooca Helicopterka ah oo duqeeynaya kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan xarakada Al-Shabaab, halkaasi ay khasaare lixaad leh ka soo gaaratay Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Waxaa lagu soo waramayaa in duqayntaasi ay ku geeriyootay 5 kamid ah ciidamada Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil, hase yeeshee ilaa iyo hadda kama aysan hadlin Shabaabku Duqaymahaasi la sheegay in looga dilay saraakiil iyaga ka tirsan.
Dhanka kale duqeeymahaani ayaa yimid kadib markii maalintii shalay ahayd ay Al-Shabaab gaareen qeybo ka mid ah magaalada Dhoobleey oo haatan ay gacanta ugu jirta Ciidamada huwanta ah ee Soomaaliya iyo Kenya.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|