Somali News
    Hees  

Afhayeenka AMISOM: "Si loo soo celiyo ciyaarihii kala duwanaa ee ka dhici jirey garoonka Muqdisho Stadium waxaan diyaar u nahay inaan ka baxno..."

Mogadishu sabti 20 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Afhayeenka AMISOM: "Si loo soo celiyo ciyaarihii kala duwanaa ee ka dhici jirey garoonka Muqdisho Stadium waxaan diyaar u nahay inaan ka baxno..."

Kadib codsi dhawaan Xiriirka ciyaaraha Soomaaliyeed uu u gudbiyay taliska amisom kaasoo ahaa inay ka baxaan garoonka weyne ee ciyaaraha kaasoo lagu magacaabo Muqdisho Stadium ayaa waxaa rintaasi ka hadlay kana jawaabay dalabkaasi afhayeenka Amisom
Afhayenka Amisom Col.Cali Aadan Xaamud ayaa saxaafada qaar u sheegay inay bisha december ka bixi doonaan garoonka ciyaaradaha Muqdisho Stadium inta ka horeysana ay qaban qaabin doonaan ka guuritaankooda garoonka iminka saldhiga ciidan u ah.

"Si loo soo celiyo ciyaarihii kala duwanaa ee ka dhici jirey garoonka Muqdisho Stadium waxaan diyaar u nahay inaan ka baxno taasina waa mid muujineysa xasiloonida Muqdisho oo soo hagaageysa" ayuu yiri afhayeenka AMISOM Cali Aadan Xaamud

Col.Cali Aadan waxaa uu intaasi ku daray inay soo dhaweynayaan faarujinta garoonkaasi oo ahayd meel bulshadu leedahay isuguna timaado,sidoo kale garoonka wuxuu leeyahay inta badan garoomada ciyaaraha kala duwan sida kubada cagta,baskeball-ka,kubada gacanta,Voli ball-ka,Dabaasha iyo kuwa kale oo dhan.

Dalabka ciririka kubada Cagta Soomaaliyeed ee dib u howlgelinta garoonka Muqdisho Stadium ayaa ku soo aadeysa xili dayac tir lagu bilaabay garoonka kale ee banaadir Stadium oo ku yeel degmada C/casiis kaasoo shaqaale badan la geliyay si dib loogu dhiso madaama uu ku bur burey dagaaladii xoogganaa ee ka dhacay degmadaasi.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)