|
Conis ka gudubnee Bal Muqdisho Stadium aan eegno !! Qormo Xiiso leh
Mogadishu sabti 20 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Conis ka gudubnee Bal Muqdisho Stadium aan eegno !! Qormo Xiiso leh.
Maalmo ka hor waxaa garoonka kubadda cagta Muqdisho booqasho ku tagey Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdi Qani Saciid Carab iyo Agaasimaha Wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada Awees Xadaad, kuwaasoo ka dhex sheegay inay u baahan yihiin in garoonka kubadda cagta ay uga guuraan ciidamada Amison ee degan, si ay ugu qabtaan cayaaraha gobalada iyo horyaalka.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa dhankiisa Saxaafada War uu siiyay ku sheegay in ay Ciidamada AMISOM ka guuri doonaan Garoonka si ay dhalinyarada Soomaaliyeed ugu tababartaan, isla markaana ku ciyaaraan.
Waxaan mudan inaan is waydiino yaa mudan inuu ciidamada Amison ka saaro garoonka kubadda cagta?. jawaabtu waa iska fududahay garoonka kubadda cagta waxaa iska leh dowlada Soomaaliya, waxaana masuuliyadeeda iyo ilaalinteeda laga rabaa waa wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya, marka waxaan la leeyahay dalka waa uu ka baxay KMG, hadane weli isbaaradii iyo maamul xumadii ayaa ka socoto magaalada Muqdisho oo aynu ognahey in dowlada halkaasi degan tahey.
2008, Markii la dhigax dhigay Garoonka Conis Stadium, welina ma jirto dhismo laga fuliyay.
Hadaba aan dib idin kugu celiyo biloowgii sanadkaan waxaa garoonka Banaadir ''Conis Tadium'' lagu qabtey markii 3 xaad shir jaraa'id oo lagu shaacinaayo in dayactir lagu sameynaayo garoonka islamarkaana la dhigi doono caws-ka articial-ka ah, kadibna lagu dheeli doono koobabka kale duwan.
Aan idin xasuusiyo sanadkii 2006 waxaa FIFA laga dalbadey marshruuc lagu dayactiraayo garoonka Banaadir ''Conis.. Goal Project, mashruucaasna waxaa ku baxaysay lacag dhan 1.200.000 Dollar, waxaana loo soo shubey sanadku marka uu ahaa 2008, [ Bal Eeg Mashruucii Goal Project iyo inta Lacag ee ku baxday Mashruucaas (Riix Halkaan) ] Mana jirto dayactir lagu sameeyay, waxaana garoonka Conis la dhagax dhigey 2008, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka isboortiga mudane Axmed Cabdi Salaan iyo Wasiirka Howlaha guud xukumadii Ra'iisal wasaare Nuur Cadde iyo madaxda isboortiga ayna ugu horeeyaan XSKC.
Isla Sanadkaan aynu ku jirno ee 2012, waxaa garoonka lagu qabtey xaflad kale oo saxaafada Muqdisho ka howl gasha loogu soo bandhigey in garoonka ay dhigayaan cawskii islamarkaana ay dhisayaan, xafladaasna waxaa goob joog ka ahaa wasiiro dowlada isboortiga iyo dhalinyarada ee Xukuumadii C/weli oo aan weli xilkiisa wareejin Prof Cabdullahi Qalocoow.
Waxaa laga joogaa Muddo 6-bilood iyo ka badan, welina garoonkii lama dayactirin wax hadal ahna lagama hayo, iyadoo tii ay taagan tahay ayey XKC Maanta waxa ay u hanqal taagayaan Garoonka Muqdisho Stadium, taasi oo ah mid caqliga saliimka ah diidaya, waayo garoonkii Conis, Garoonkii Garoowe, Garoonkii Gaalkacyo dhamaantood waxaa lagu soo qaatey qandaraasyo lacago badan ku baxayay hadane waa la dhagax dhigey oo kaliya sawiro ayaana la isaga qaadey iyadoo ay meesha camiran tahey oo ay joogaan Madaxda isboortiga iyo Dowlad.
2012 oo mar kale la yiri waa la dayactiraa, iyadoona in ku dhaw 6-bilood iyo ka badan aan weli wax howl ah laga qaban.
XKC waxa uu ku caan baxay in Fagaaraha soo istaajiyo Madax Isboorti, Wasiiro, iyo Mas'uuliyiin Dowladeed, isla markaana Sawiro, iyo Warbixino Somali & English ka diyaariyo, isla Markaana u gudbiyo Xiriirada Caalamka si Mashaariicdooda ugu fushadaan, kana dhigaan mid ay la wada ogyihiin Madaxda halkaasi taagneed, tiiyo jeebka un lagu shubto, isla markaana aysan jirin cid kula xisaabtanta.
Waajibka Dowlada Dhexe ee JF Soomaaliya.
Dowlada Soomaaliya ee Xilligaan aan aheyn KMG, isla markaana ah Dowlad dhexe, awoodna u leh Maamulida iyo La xisaabtamida Hey'ad waliba maxaa xilligaan waajib ka saaran dhanka isboortiga.
Waa waajib in ay darsaan xaalada isboortiga Soomaaliyeed, dabagal kadibna ay go'aan ka soo saaraan siyaasadii isboortiga lagu dhaqi lahaa dalka Soomaaliya oo dhan, waayo dhibaatada wadanka ka socoto, waxaa lagu joojin karaa in dhalinyarada iyo caruurta Soomaaliyeed loo sameeyo manhaj isboorti oo looga reebo dhibaatada loo adeegsanaayo mudada 20-ka sanadood jirsatey.
2012, oo mar kale loo soo geystay Mashruuca Muqdisho Stadium.
Wasiir isboorti oo gudan kara waajibaadka Qaranka waa in lasoo magacabaa sida ugu dhaqsaha badan, si loola xisaabtamo kuwa diban daabyada ku haya horumarka isboortiga dalka.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa laga rabaa inay arrimahaan guddi u saaraan oo ay darsaan kadibna kula xisaabtamaan wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada. isla Markaana la xisaabtamaan kumanaanka Kun ee lagu soo qaatay dhismaha Garoomada ee aan wali wax dhismo ah lagu fulin halka la marsiiyay.
Agaasimaha Wasaarada Isboortiga Aweys Xadaad, waxaa ceeb iyo waji gabax ku ah in asigoo taagan uu xoghaye xiriir Ciidamada AMISOM ka dalbado in ay garoonka isaga baxaan, taana waxaa la oran karaa in shaqadiisa uu garan waayay.
Garoonka Muqdisho waa tuulo Isboorti waxa uu xil ka saaran yahey Wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada, wixii dayactir lagu sameynaayo gobaha dowlada waxay shaqadeedu tahey Wasaarada Howlaha guud iyo guriyeynta, Garoonka ilaalintiisana waxaa shaqo ku leh Taliska Amaanka.
Marka aad fiiriso Xaalada Socota iyo Talaabooyinkii horey loosoo qaaday ayaa waxaa kuu muuqaneesa in XKC Soomaaliya, xilligaan kasoo xermay Mashaariicdii Conis Stadium, isla markaana dooneysa in Mashruuc kale ay ka furato Muqdisho Stadium, taasi oo ah (Conis ka gudubnee Bal Muqdisho Stadium aan eegno) !!.



W/D:Yusuf Yusuf
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|