|
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo howlgalo dad lagu qabqabtay ka sameeyay Magaalada Kismaayo
Mogadishu sabti 20 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo howlgalo dad lagu qabqabtay ka sameeyay Magaalada Kismaayo
Afarta xaafadood ee ay ka koobantahay magaala xeebeedka Kismaayo, waxaa ka soconaya baaritaano xooggan oo ay wadaan ciidamada dowlad Soomaaliya iyo kuwa Kenya, waxaana midmid loo baarayaa guryaha ku yaala xaafadahaas.
Howlgalka ay ciidamaa wadaan ayaa yimid ka gadaal markii habeen hore magaalaaas lagu dilay nabadoon caanka ahaa jubooyinka kaasoo la oran jiray Axmed Sheekh, waxaana howlgalka lagu soo qabqabtay 24-kii saac ee la soo dhaafay dad kor u dhaafaya 50-ruux.
Nabadoonka habeen hore la diay ayaa ka digaysa tirada nabadoonaada lagu dilay Kismaayo tan iyo markii ciidamad ahuwanta ay soo galeen magaalada Kismaayo,waxaana xaalada Kismaayo ay u muuqataa mid caga badan uu ku taagneyn amnigeeda.
Inkastoo magaalada aysan laheyn maamul rasmi ah oo dowlada dhexe ee Soomaaliya u sameysay, waxaana lagu eedeeyay Al-shabaab ka sukow amaan xumida ka jirtav Kismaayo ay qeyb ku leeyihiin ciidamada Raskambooniyiinta.
Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sheegay howlgalka ka socda afarta xaafadood ee magaalada inuu yahay mid lagu xaqiijinaayo amaanka.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|