|
Dalka Jarmalka Burcad Badeed Soomaaliya oo Lagu Xukumay Xabsi u Dhexeeya 7 ilaa 15 Sanno :- Daawo sawirada
Mogadishu sabti 20 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dalka Jarmalka Burcad Badeed Soomaaliya oo Lagu Xukumay Xabsi u Dhexeeya 7 ilaa 15 Sanno :- Daawo sawirada
Maxkamad ku taala dalka Jarmalka ayaa xakuno ku riday ilaa iyo 10 nin oo burcad badeed Soomaali ah taariihdu markey ahayd 19.10.2012
Ragaani ayaa waxa in dhawaalaba ay ku xirnaayeen dalkaasi Jarmalka, waxana ay noqdeen burcad badeedi ugu horeysay oo waqtigaan casriga ah maxkmad lagu soo taago Jarmalka, iyagoo lagu xakumay ilaa 7 sano oo xarig ah.
Danbiga lagu helayo ayaa ah burcad badeednimo iyo afduubka markab laga leeyahay Jarmalka oo la yiraahdo MV Taipan, kaasi oo ay ka qabsadeen meel 530 miles ka baxsan biyaha Soomaaliya bishi April 2010.
Burcad badeeda ayaa rajeynayey in la siinayo madaxfurasho gaareysa $1 million, sida uu maxkamada sare ee magaalada Hamburg ka cadeeyey qaali Bernd Steinmetz.
Maxkamada ayaa todobo ka mid ah burcad badeeda ku xakuntay min 7 sano o xarig ah halka sadex kalana lana lagu xakumay 12 ilaa 15 sano.
Burcad badeeda Soomaalida ayaa sanadki la soo dhaafay oo kaliya u helay madax furasho lacag dhan $160 million waxana ay dhaawacday taasi dhaqaalaha caalamka $7 billion sida ay sheegtay Hey’ada American One Earth Future think-tank.


Cabdirashiid Shaam
Madaxa Somaliweyn Media Center Germany
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|