Somali News
    Hees  

Xaflad aroos ahayd oo lagu weeraray Bam gacmeed dhaliyay khsaare

Mogadishu sabti 20 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xaflad aroos ahayd oo lagu weeraray Bam gacmeed dhaliyay khsaare.

Dhacdo xanuun badan ayaa shalay gabaldhicii shalay waxay ka dhacday xaafad ku taala degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kadib markii Bam gacmeed lagu weeraray goob ay ka socotay xaflad aroos.
Goobta ayaa waxaa ku sugnaa haween aad u fara badan kuwaasoo k jiray farxad iyo damaashaad, waxaana bamku la sheegay inuu soo dhacay xiligii damaashaadka lagu jiray, lamana oga halka bamkaasi uu ka yimid.

Inta la xaqiijiyay sagal dumar ah ayaa ku dhaawacantay bamka, kuwaasoo qaarkood la sheegay inay dhaawacooda uu halis yahay,waxaana dhibaatadaas ka dhacday degmada Hodan ka hadlay maamulka degmada.

Taliye ku-xigeenka Booliska degmada Hodan Cali Maxamed Salaad ayaa sheegay in bamka ay ka danbeeyeen kooxo arxanlaawayaal ah oo aan ka naxeyn dadka shacabka ah,waxaana uu sheegay inay wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan cidii ka danbeysay qaraxaasi.

Ruux ka mid ah dadkii ku sugnaa xafladaasi ka dhaceysay warshada caanaha ee degmada Hodan ayaa sheegay in xiligii bamka dhacayay haweenka meesha isugu yimid ay cayaarayeen cayaaraha loogu tala galay aroosmanka, waxaana ay tilmaantay goobtii farxada ka socotay in mar qura ay isku bedeshay Murugo

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)