|
Wariye Khadar Maxamuud Xareed oo dib xuriyadiisa u helay
Mogadishu sabti 20 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Wariye Khadar Maxamuud Xareed oo dib xuriyadiisa u helay
Mudo Seddex maalin oo u ku xirnaa xabsiga Magaalada Kismaayo waxaa maanta xuriyadiisa dib u helay wariye Khadar Maxamuud Xareed oo Ciidamada Nabadsugidda dowladda Soomaaliya xabsiga dhigeen.
Wariye Xareed oo la shaqeeya Idaacada Radio Goobjoog ee Muqdisho islamarkaasina hore uga soo shaqeeyay magaalada Kismaayo ayay ciidamadu ku eedeeyeen in uu xiriir la leeyahay Al-shabaab, haseyeeshee baaritaan dheer kadib ayay ciidamada nabadsugiddu sheegeen in wariye Khadar uusan lug ku lahayn falalka looga shakiyay.
Wariye Khadar Max’uud Xareed oo aan qadka Teleefonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in lasoo daayay Xalay Fiidkii, wuxuuna intaa ku daray in uu aad ugu faraxsanyahay in uu dib u helo xoriyadiisa.
“Mudo Sedex maalmood ayaan xirnaa, ka sokow xoriyada layga qaaday iyo maxbuusnimada ma jirin wax kale oo dhibaato ah oo la I gaarsiiyay mudadii aan xirnaa,” ayuu wariye Khadar Hadalkiisii raaciyay.
Soo deysmada Wariye Khadar ayaa waxa si diiran usoo dhaweeyay Ehelladiisa iyo qaar kamid ah suxufiiyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dunida guudkeeda .
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|