Somali News
    Hees  

Xaflad baladhan oo lagu furaayay Idaacada Radio Hargeysa oo maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa iyo xaflad weyn oo loo sameeyay

Hargeysa sabti 20 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xaflad baladhan oo lagu furaayay Idaacada Radio Hargeysa oo maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa iyo xaflad weyn oo loo sameeyay.... dawo sawirada

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray warlaliska weyn ee Radio Hargeysa oo 100kwt ah, kaasi oo laga dhagaysan karo Gobolada Somaliland oo dhan iyo daafaha adduunka.

Xafladii loo sameeyay furitaanka idaacada cusub oo lagu qabtay xarunta wasaarada waxa kale oo ka soo qeyb galay shirgudoonka labada Gole ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda), Wasiirrada Arrimaha gudaha, Madaxtooyada, Dib u dejinta, Guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo masuuliyiin ka socday ururada siyaasadda iyo xisbiyada qaranka.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta , dhaqanka iyo wacyigelinta C/Rashiid Jibriil Yuusuf oo ka hadlay xafladaasi ayaa ka hadlay baahidii qaranku u qabay idaacadan weyn ee xukuumada Siilaanyo hirgelisay.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in idaacada Radio Hargeysa hore looga dhagaysan jiray oo qudha nawaaxiga magaalada Hargeysa oo qudha, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Madaxweyne, Idaacada Radio Hargeysa hore waxa looga dhagaysan jiray uun Magaalada Hargeysa. Maanta idaacadan cusub oo in badan la naawilayay dhammaan dacaladda dunidda oo dhan way wada gaadhay oo waa laga dhagaystay. Idaacadan oo 100Kwt ah waxaanu mudadii ay tijaabada ku jirtay tijaabinaynay 70Kw illa 80KWt. Waayo intaasi ayaaba dal iyo dibadba hafisay. Markaa run ahaantii maadaama oo ay idaacadu fiday kharashka iyo miisaaniyadduba way korayaan, dad xirfad lehna waa loo baahanayaa.”
Agaasimaha Guud ee wasaarada warfaafinta C/rashiid Jibriil Yuusuf oo ka war-bixiyey baahiyaha weyn ee idaacada oo hadda ka dib gaadhi doonta dacalada dunida,kana hadli doonta mowjadda 41 MB.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Abiib Diiriye Nuur oo ka hadlay xafladaasi wuxuu yidhi “Maanta oo ay taariikhdu tahay 18/10/2012-ka waa maalin weyn oo baal dahab ah ka geli doonta sooyaalka taariikheed iyo horumarineed ee Jamhuuriyada Somaliland. Waa maalin aynu ku xasuusanayno madaxweynaheena oo ka dhabeeyay balan-qaadkii uu ku balan qaaday inuu keeni doono idaacad weyn oo caalamka laga dhagaysto. Waxaanay idaacaddu ka mid ahayd balan-qaadkii uu sameeyay Madaxweynuhu xiligii uu ku jiray tartankii doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii bishii June 2010-kii.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu madaxweynaha ku ammaanay inuu ka dhabeeyay balan-qaadkiisii la xidhiidhay inuu dalka ka hirgelin doono idaacad weyn oo dalka oo dhan wada gaadha isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waa Markhaati ma doon in Madaxweynuhu balankaasi oofiyay, waxaana u daliil ah inaynu maanta furitaankii idaacada weyn ee Radio Hargeysa aynu halkan u fadhino. Waxaan leeyahay hawshaasi waa abaal aad u gashay ummadaada. Waana guul ILAAHAY Kuu gartay oo aan ninna kaa qaadi Karin waxaanad tahay madaxweynihii u horeeyay ee ku guulaystay inaad ummadda u dhisto idaacad weyn oo ay wada dhagaystaan.”

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladii loo sameeyay furitaanka Idaacada cusub ee Radio Hargeysa waxa uu yidhi “Farxad weyn waxa ii ah maanta inaan ka soo qeyb galo Furitaanka idaacadda cusub ee Radio Hargeysa oo wada gaadhaya dunida oo dhan. Sharaf iyo qiime weyn ayay inoo tahay qaran ahaan. Radio Hargeysa waa tii taariikhdiisii laga sheekeeyay waxaan mahad balaadhan u celinayaa inta imika ka shaqaysa iyo dhammaan inta hawsha kaga jirta. Radio Hargeysa taariikhda uu leeyahay ka sakow, idaacaddu waa ka ugu saamaynta badan ama ugu waxtarka roon ee dawladi wax ku gaadhsiin karto dadkeeda iyo dunida kalena ugaga warami karto waxay qabsatay.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka waramay qiimaha Idaacaddu ugu fadhido qaranka Somaliland isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Markaa Radio-gu wuxuu inoogu fadhiyaa qiime aad iyo aad u weyn haddii ay tahay dalka iyo qadiyadeenna oo aynu dunidda ku fidino intaba.hawshaasi aynu qaran ahaan qabsanay aad iyo aad ayaan ugu bogaadinayaa dhammaan intii ka hawl gashay oo dhan.ILAAHAY-na waxaan ka baryayaa inuu inagu guuleeyo.”

Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Cusub ee dib u dejinta Md. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) iyo Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo dhammaantood ka waramay baahida loo qabay idaacadan cusub, waxaanay tilmaameen in furitaanka iyo balaadhinta Radio Hargeysa ay tahay guul u soo hoyatay qaranka Somaliland.






















Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)