|
Ururada Bulshada Rayidka magaalada Marka oo kulan ka yeeshay isbedelka halkaasi ka dhacay + Sawirro
Mogadishu sabti 20 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ururada Bulshada Rayidka magaalada Marka oo kulan ka yeeshay isbedelka halkaasi ka dhacay + Sawirro
Kulan ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee magaalada Marka ayaa ka dhacay magaaladaasi, gaar ahaan waxgaradka, odayaasha, dhallinyarada, aqoonyahanada, haweenka iyo ganacsatada degmada, waxaana kulankaasi looga hadlay waxa la gudboon mar haddii Al-Shabaab laga saaray Marka.
Furitaanka kulanka waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay madax ka socotay maamulka magaalada Marka, kuwaasi oo iyagu hoosta ka xariiqay kulamada noocaan ahi inay gacan ka geysan karaan horumarka bulshada ku dhaqan magaalada Marka.
Guddoomiyaha degmada Marka Axmed Macallim C/raxmaan (Cukaash) oo halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay ayaa sheegay kulankani inuu yahay tallaabo bilow u ah horumarka bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho, wuxuuna ku booriyay ka qeyb galayaasha kulankani inay ka dhabeeyaan go'aanada ay halkaasi ku gaarayaan.
"Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad qaadataan barnaamijyo nabadeed oo ka duwan kuwii horay halkaan uga jiray markii ay Shabaabku heysteen magaalada Marka" ayuu yiri Guddoomiye Cukaash oo dhinaca kale caddeeyay in xaaladu ka soo reyneyso.
Guddoomiyaha degmada Marka waxa uu sheegay in kulankani uu yahay midkii ugu horeeyay ee bulshada degmada isugu yimaadaan, taasi oo uu sheegay inay tahay wax lagu farxo, wuxuuna uga mahad celiyay hay'adda CCD oo soo qabanqaabisay, isagoo xubnaha kulanka ka qeyb gelay ku booriyay inay tallaabadooda ugu horeysa u qaadaan dhinaca nabadda.
"Maalin kasta waxaanu qabanaa dad idinka ayaa dhalay waana caasi waalid, qoyskii ugu liita qof ayaa uga jira Shabaab, ogaada inaan sii weyn doonin qofkii Shabaab ka tirsan" ayuu yiri Guddoomiye Cukaash oo wacad ku maray in maamulkiisu cagta marinayo dhallinyarada Shabaab ka tirsan ee degan magaalada Marka.
Md. C/llaahi Faarax Maxamed oo ah xiriiriyaha hay'adaha samafalka degmada Marka ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu sheegay in bulshada degmada Marka degani ay isku duubni muujiyaan taasi oo uu sheegay in arrintaasi ay ku gaareyso nabad waarta haddii qof waliba xil iska saaro doorka uga aadan adkeynta amniga.
"Dhallinyarada degmada Marka ee ay qaldeen kooxda Al-Shabaab waxaan u ballanqaadayaa haddii ay isaga soo baxaan inaan u abuurno shaqooyin, gaar ahaan hay'adaha samafalka ee ka howlgala magaalada Marka" ayuu yiri C/llaahi Faarax Maxamed oo dhinaca kale shaaca ka qaaday in hay'adaha ku sugan magaalada Marka ay yihiin kuwo aad u yar, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in xilliyada dhow ay dib ugu soo laabtaan.
Caaqil Cabdi Jeylaani Xuseen oo ka mid ah waxgaradka degmada Marka ayaa sheegay muhiimadda koowaad inay tahay nabad ka dhacda degmada Marka, wuxuuna tilmaamay in ururrada bulshada degmada ay kulamo joogto ah ka yeeshaan amniga magaalada iyagoo la kaashanaya ciidamada nabadgelyada.
"Maanta waxaynu joognaa xilligii ay Soomaaliya xornimada qaadatay mar haddii kooxihii Shabaab ee magaaladaan xooga ku heystay afar sano kaddib" ayuu yiri Xersi Maxamed Kulane oo ka tirsan odayaasha degmada Marka, isla markaana wax badan u soo joogay tacadiyo kooxda Al-Shabaab ka geysteen gudaha magaalada.
Waxa uu sheegay nabadoon Xersi Maxamed Kulane in odayaasha degmada Marka qaarkood ay weli ku jirto cabsi ay ka qabaan in dhibaato uga timaado maleeshiyaadka Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay inay yihiin daalumiin dhibaato ku ahaa dadka, dalka iyo diinta.
"Shabaab waa sixirooleyaal, waxaana ku caddeynayaa aabahaa soo dil, adeerkaa soo dil, abtigaa soo dil ayaa la leeyahay wiilka markaasu "Waa yahay leeyahay", Ilaah baan idinku shaarshaye ma wiilkaas ayaan la sixrin?" ayuu isweydiiyay Nabadoonka oo sheegay in weli magaalada Marka ay ku sugan yihiin rag habaari jiray Dowladda una ducceyn jiray kuwii sixirooleyaalka ahaa ee Shabaabka.
Caaqil Murjaan Abuukar Yarow oo ka mid ah odayaasha degmada Marka oo halkaasi ka jeediyay khudbad si gaar ah u taabaneysay dadka degmada, ayaa sheegay in isweydiintu tahay sababta keentay burburka dalka ku dhacay, mar hadii Shabaabka ay wadeen dulmi iyo tacadiyo.
"Sababtav keentay in dalka si fudud loo burburiyo ay ka timid waxbarasho yarida Soomaalida ayna ka hareen qeyrkooda" ayuu yiri Caaqil Murjaan oo dhinaca kale tilmaamay in iyagu ay yihiin dadkii wax dhisi lahaa, isagoona bulshada Marka ugu baaqay inay u istaagaan howlo fara badan oo lagu qabanayo iskaa wax u qabso.
Dhinaca kale kulanka waxaa ka hadlay xubno ka socday qeybaha ururrada bulshada degmada Marka, kuwaasi oo iyagu tilmaamay tallaabooyinka ugu horeeya ee loo baahan yahay mar haddii kooxda Al-Shabaab laga saaray halkaasi, iyagoona xubnaha qaarkood caddeeyeen in kulamada noocaan ahi la kordhiyo.












Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|