Somali News
    Hees  

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta warqadihiisa aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiirka cusub ee ay Midowga Yurub

Mogadishu sabti 20 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


War-Saxaafaddeed: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadihiisa aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiirka cusub ee ay Midowga Yurub usoo magacaabeen Soomaaliya Cervone De Urso.

Inta aan warqadaha laga gudoomin ka hor waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku qaabilay safiirka Xafiiskiisa ayadoo Madaxweynaha iyo Safiirkana ay ka wada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub iyo sidoo kale taageerada Midowga Yurub ay siin doonaan Dowladda Soomaaliya.

Markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud warqadihiisa aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee ay Midowga Yurub usoo magacaabeen Soomaaliya ayaa waxaa wadajir Saxaafadda ula hadlay Safiirka iyo sii hayaha Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Mudane C/laahi Xaaji Xuseen sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ugu horeyn saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso safiirka cusub ee ay Midowga Yurub usoo magacaabeen Soomaaliya.

Ugu dambeeyn Cervone De Urso Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa xusay inuu aad ugu farax sanyahay in loosoo magacaabo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo in sidoo kale uu Madaxweynaha Soomaaliya ka gudoomo warqadihiisa aqoonsiga.








                                                         -  Dhamaad –
Suldan A. Farahseed
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia, media@presidency.gov.so

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)