Somali News
    Hees  

Xaflad lagu soo dhweynayo Dowladda cusub iyo Barlamnka oo ka dhacday Orebro ee Sweden

Örebro sabti 20 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu taagerayo Dowladda ayna ka soo qeyb galeen bulshada kala duwan ee ku nool Magaaladan Orebro ee Dalkan Sweden iyo agagaarkeda ayaa lagu qabtay shentarka xafadda Vivalla oo ay ku badan yihiin Soomalida.

Xafladda oo lagu taagerayay Madaxweynaha Mudane Dr.Xassan Shekh Maxamuud,Guddomiyaha Barlamanka Mudane Dr.Maxamad Sh. Cusman Jwaari, Raiisal Wasaaraha Dr.Cabdulqadir Faarax Shirdoon iyo Barlamaanka cusub waxa isku soo duba riday Jaaliyadda Soomalida Afrikas Horn Cultur Center, Guddiga Odayaasha, Guddiga Haweenka iyo Dhalinyarada

Waxa lagu furay khudbado qiira badna ee Guddomiyaha Afrikas Horn Mudane Mahdi Warsame, Mudane Xidhiban Yuusuf Cabdow xubin Golaha degganka Magaalada,Gudd.Guddiga Odayaasha Mudane Cali Abuukar-Wardhiigley, Murad Artin iyo Seydu Banghura oo ka socday xisbiyada Bidixda iyo kan Beeraleyda waxeyna dhamantood bogaadin hambalyo iyo duco u direen Dwoladda cusub howsha adago sugeyso inuu u fududeeyo Rabbi ka dalbadeen.

Waxaa kale oo madashas ka hadlay Dr.Faduma Sabti iyo Luul.

Gabagabadi waxaa khadka telefoonka uga soo qeyb galay Raisal Waasaraha Dr.Shirdoon wuxuu ballan qaaday iney ku dadaali doonan in ay Dalka ku hogaminayan sinaan,cadaalad nabadana soo celin doona,sida weyno dadweynaha Orebro u tagerena ka mahad celiyay.


















Hassan Osman Orebro

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)