Somali News
    Hees  

Sheekh Shariif oo la filayo in uu dhawaan ku dhawaaqo xisbi cusub

Mogadishu Axad 21 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Sheekh Shariif oo la filayo in uu dhawaan ku dhawaaqo xisbi cusub.

Madaxweynihii hore ee soomaaliya Sheekh Shariif sheekh axmed ayaa la sheegay in uu dhawaaqi doono xisbi cusub oo aan weli magaciisa la shaacin, kaas oo uu doonayo in uu kaga qeyb qaato siyaasada Soomaaliya.

warar laga helay ilo muhiim ah oo aad ugu dhow dhow Sheekh shariif ayaa sheegay in uu xisbiga cusub si rasmi ah ugu dhawaaqi doono maal maha soo socda,xisbigan cusub ayaan la'ogeyn in ay qeyb ka ahaan doonaan Kooxda AALA sheekh oo ay xulufo ahaayeen Sheekh shariif inkastoo saacadihii ugu dambeeyay ee loolanka doorashada ay kala fiigeen, dhinacakale sheekh Shariif ayaa isu diyaarinaya in uu safro dalka uganda oo dhawaan laga siiyay guri uu dago.

Sheekh shariif ayaa noqonaya qofkii afraad ee uu madaxweyne Yoweri Musoveni guri degaan ah uu ka siiyo dalka Uganda, wuxuuna noqonayaa madax weynihii ugu horeeyay ee markii uu xukunka ka dagay hoy laga siiyo mid ka mid ah dalalka Afrikada Bari.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)