Somali News
    Hees  

Gen. Dhegabadan: "Ma jirto cudud naga hortaagan inaan isku furno Wadooyinka Xiriiriya magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.."

Mogadishu Axad 21 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Gen. Dhegabadan: "Ma jirto cudud naga hortaagan inaan isku furno Wadooyinka Xiriiriya magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.."

Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa wada qorshayaal ay isugu furayaan wadooyinka isku xira Muqdisho iyo gobolada dalka,waxana ay ka dhawaajiyeen saraakiisha in waqtiyada soo socda ay arki doonaan shacabka wadooyinkaas oo isku fura.
Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Gen. C/kariin Yuusuf Aadan "Dehgabadan" oo arintaasi ka hadlay ayaa sheegay inay wadaan qorshayaashaasi la isugu furay gobolada dalka.

Waxaa uu sheegay Abaanduuluhu inay socdaan haatan qorshayaal Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay ku harsanyihiin, waxaana uu hoosta kaxariiqay inaysan jirin cudud waqtigaan ka hortaagan inay isku furaan wadooyinkaas.

"Ma jirto cudud naga hortaagan inaan isku furno Wadooyinka Xiriiriya magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, Muqdosho iyo Kismaayo, Muqdisho iyo B/weyne" ayuu yiri Abaanduuluhu.

Hadalka Abaanduulaha ayaa imaanaya xili ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay dhaqdhaqaaq ay magaalada Jowhar kula wareegayaan ay ka wadaan degmada Balcad, waxaana sidoo kale ciidamada maalimihii la soo dhaafay ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka shabeelada hoose iyo Bay.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)