|
Uganda oo noqotay wadanka labaad ee ugu isticmaalka badan Alcoholka caalamka
Mogadishu Axad 21 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Uganda oo noqotay wadanka labaad ee ugu isticmaalka badan Alcoholka caalamka .
Alcoholka ( KHaMRIGa ) ayaa la sheegay in uu noqday kan ugu badan ee sababa dhimashada dad aad u fara badan caalamka , dhawaan ayeyna khubaro caafimaad u gudbiyeen hay'da caafimaadka aduunka ( WHO ) warbixin dheer oo ka hadleysa dhibaatada sii kordheysa ee ka imaaneysa isticmaalka AlcOHOL - ka.
Khubarada ayaa sheegay in sanad walbo ay u geeriyoodaan isticmaalka Alcoholka dad tiradoodu gaareyso 2.5 miltyan oo qof taas oo ka badan marka la isu geeyo inta sanad walbo u geeriyoota cudurada AIDS-ka, Malariyada iyo TB-da ( TUBERCOLOSIS ) oo ah sadex cudur oo khatar ah kuna baahsan caalamka oo dhan.
Luxembourg oo ah dal yar oo ku yaal EUROPE ayaa kaalinta koowaad ka galay cabitaanka ALCOHOLKA caalamka 15.5 liter per capita ( PER PERSON ) ayeyna isticmaalaa qof walbo ama madax walbo iyadoo loo eegayo warbixinta ay soo gudbiyeen dhaqaalayahanada, dalka Uganda oo ku yaal Qaarada Africa ayaana kaalinta labaad kaga jira isticmaalka alcoholka caalamka 10.93 liter ayuuna qof walbo isticmaalaa.
Dadka u dhaq dhaqaaqa joojinta isticmaalka ALCOHOLKA ee dalka Uganda ayaa dowladooda usoo jeediyay in canshuur la saaro warshada soo saara khamriga ee ku yaal dalka uganda.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|