Somali News
    Hees  

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka oo magacaabay guddi soo diyaariya sharciga Gaadiidka dhulka

Mogadishu Axad 21 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka oo magacaabay guddi soo diyaariya sharciga Gaadiidka dhulka

Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka Badda, Dekedaha, Cirka iyo Dhulka Dowladda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban afar xubnood, kuwaasi oo soo diyaarinaya iskuna duba ridaya sharci la xariira gaadiidka dhulka si loo sugo tirakoob rasmi ah iyo xog-ogaanshaha gaadiidka dalka yaalla.

Qoraal ka soo baxay xafiiska agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka ayaa lagu sheegay in guddigaani oo ka mid ah qeybaha kala duwan ee Wasaaradda loo xilsaaray in muddo toddobaad ah ay ku soo dhameystiraan sharcigaan si loo helo macluumaad guud ee ku saabsan gaadiidka dhulka iyo dhaqdhaqaaqiisa.

Guddigaan ayaa waxaa ka mid ah Eng. Siidow Sheekh Cali Nuur, Eng. Maxamuud Kulmiye Axmed, Drs. Faaduma Cumar Cabdullaahi iyo C/risaaq Qaasim Axmed, kuwaasi oo aqoon iyo waaya aragnimo dheeraad ah u leh howlaha gaadiidka iyo shuruucda lagu maamulayo gaadiidka dhulka ee dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Dowladda Federaalka Soomaali Md. Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo kulan gaar ah la yeeshay xubnahaasi ayaa kula dardaarmay inay si degdeg ah u soo diyaariyaan sharcigaas oo uu sheegay inay baahi weyn u qabto Wasaaradda Gaadiidka si gaadiidka loogu xiriiriyo sharciyada u gaarka ah ee lagu maamulo gaadiidka dhulka.

Dhinaca kale magacaabista guddigaan ayaa ku soo beegmay xilli dhowaan Agaasimaha uu soo saaray qoraal ku saabsanaa kala iibsashada gaadiidka kala duwan ee dalka, taasi oo wax ka qabatay dhibaatooyinka ka taagnaa lahaanshaha iyo milkiyada gaadiidka.


Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)