|
Madaxweynaha Kenya : "Kenya waxay sugi doontaa guud ahaan ammaanka magaalada Kismaayo..."
Mogadishu Axad 21 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweynaha Kenya : "Kenya waxay sugi doontaa guud ahaan ammaanka magaalada Kismaayo, mana ka bixi doonto ilaa iyo ciidamada Soomaalida ay awood buuxdo u yeeshaan sugida Ammaanka Dalka Soomaaliya.."
Xili uu qudbad ka jeedinayay munaasabad loogu dabaaldagayay madaxbanaanidii ay Kenya ka qaadatay Ingriiska ayaa waxa qudbad looga hadlayay xaalada Soomaaaliya waxa ka jeediyay M/weynaha dalkaasi Kenya.
Mwai Kibaki Madaxweynaha Kenya aya waxa uu ka hadlay xaalada ka taagan magaalada Kismaayo asagoona sheegay inay Kenya sugi doonto guud ahaan ammaanka magaaladaasi aysana ka bixi doonin ilaa iyo ciidamada Soomaalida ay awood buuxdo u yeeshaan sugida Amaanka Dalka Soomaaliya.
Mwai Kibaki ayaa waxa uu shaaciyay in Ciidamadiisa qeybta ka ah AMISOM ay ka shaqeeynayaan amaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya,asagoona meesha ka saaray in ay jiraan dano gaar ah ay ka leeyihiin Soomaaliya.
Madaxweynaha dalkaasi Mwai Kibaki Kenya ayaa waxa uu dhanka kale ka hadlay xaalada qaxootiga Soomalida ah ee ku sugan gudaha dalkaasi Kenya,Waxa uuna tibaaxay in loo baahanyahay qaxootiga gaaraya 10 kun ee Soomaalida ah in dib loogu celiyo Soomaaliya maadama ayuu yiri Dowlada federaalka Soomaaliya ay awood buuxda u heshay in ay lawareegaan gobolo iyo dagmooyin ay horay umaamuli jireen Xarakadda Al-Shabaab.
Ugu danbeentii Madaxweynaha dalka Kenya ayaa waxa uu ka dalbaday wadamada caalamka asagoona ka dalbaday in ay garab istaagaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kenya ayaa waxa ay maantay udabaal dageeysay sanad guuradii 49 ee ka soo wareegtay markii ay xoriyada ka qaateen Wadanka England oo horay ugumeesan jiray dalkaa.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|