|
Taliyaha Ciidanka Booliska oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu magaalada kampala kaga soo qayb galay shirkii 9aad ee madaxda ciidamada booliska dalalka Bariga Afrika
Mogadishu Axad 21 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Taliyaha Ciidanka Booliska oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu magaalada kampala kaga soo qayb galay shirkii 9aad ee madaxda ciidamada booliska dalalka Bariga Afrika.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Shariif Sheekhuna Maye ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu magaalada Kampala ee dalka Uganda uga soo qayb galaya shirweynihii 9aad ee ay yeeshaan Taliyeyaasha ciidamada Booliska ee waddamada ku yaala bariga Afrika iyo saraakiisha sare ee madaxda ka ah hoggaanada booliska caalamiga ah INTERPOL ee waddamada Bariga Afrika.
Shirkan ay yeeshaan taliyeyaasha ciidamada booliska ee dalalka bariga Afrika ”EAPCCO Council of Police Chiefs Meeting” iyo kan madaxda hoggamada Interpol ” EAPCCO Heads of NCB Meeting” waa shir sannad walba si joogto ah loo qabto kaasoo ka qaybgalayaashu ay kaga doodaan isla markaana ay isla meel dhigaan arrimo badan wanaajinta xiriiirka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa ciidamada Booliska ee waddamada ku yaal Bariga Afrika iyo weliba xiriirka ay waddamadaas la leeyihiin booliska kale ee waddamada ee caalamka ah.
S/gaas Shariif Sheekhuna Maye waxaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho ”Adan Cadde International Airport” ku soo dhoweeyay saraakiil sare oo ka socotay ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM iyo weliba saraakiil ka socotay safaaradda dowladda Turkey ay ku leedahay magaalada Muqdisho.
Saraakiishii ciidanka Booliska ee soo dhoweysay taliyaha waxaa ka mid ahaa S/guuto Mukhtaar oo ah ku simaha taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed,S/guuto Cali Gaab oo ah madaxa hoggaanka ilaalinta nabadgelyada waddooyinka”Trafico”,S/Guuto Bariise oo ah madaxa hoggaanka baarista dambiyada ee CID,G/le Sare Gaalkacayo oo ah taliyaha saldhigga booliska ee garoonka diyaaradaha .
Taliyaha ayaa kulan gaaban kula yeeshay garoonka diyaaradaha saraakiishii ka socotay safaaradda Turkey kuwaasoo ay ka wada hadleen sii horumarinta xiriirka ka dhexeeya ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo kuwa Turkey iyo sidii loo dardarin geli lahaa ballanqaadyadii ay dowladda Turkey horey u qaadday oo ahaa inay gacan ka geysato dib u dhiska iyo tababaridda ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
S/gaas Dr Shariif Sheekhuna Maye taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa sidoo kale kulan kala war qaadasho ah uu kula yeeshay xarunta taliska ciidanka booliska soomaaliyeed ”Commando Polizia” dhamaan saraakiisha sare ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaasoo taliyaha siiyay warbixino ku saabsan howlihii ay qabteen ciidanku maalmihii ugu dambeeyay waxaa sidoo kale taliyuhuna uu saraakiishaas siiyay warbixino ku saabsan waxyaabihii looga wada hadlay iyo natiijadii ka soo baxday shirkii uu ka qayb galay.







Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|