|
Soomaalidii ugu badnayd oo la sheegay inay sanadkaan xijinaysa
Mogadishu Isniin 22 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Soomaalidii ugu badnayd oo la sheegay inay sanadkaan xijinaysa
Xujeydii ugu badneyd oo Soomaali ah ayaa sanadkaan gaaray dalka Sacuudiga si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka, waxaana xujeydaasi ay ka kala yimideen gobolada uu ka koobanyahay dalka Soomaaliya.
Soomaalida sanadkaan ka qeybgeleysa gudasha waajibaadka Xajka ayaa tiradoodu lagu sheegay Toban Kun oo Xujey ah, waxaana jira kuwo kale oo Soomaali ah oo iyana ka kala yimid dalalka kale ee caalamka.
Xajka ayaa ka mid ah Tiirarka Islaamka, waxaana u waajib ku yahay cid kasta ee Muslim ah ee Ilaahey siiyay Xoolo ay ku soo xajiso, hase yeeshee sanadba sanadka ka danbeeya ayaa waxaa sii kordhaya Soomaalida soo xajineysa.
Sandkaan ayaa la rajeynayaa in si wanaagsan ay u xajiyaan Muslimiinta, waxaana sabnadba sanadka ka danbeeya dowlada Sacuudiga ay ku soo kordhisaa qalab casri ah Kabcada kaasoo dadka ka caawinaya cimilada kulu iyo Ijiirka.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|