|
Wafdi Qaramada Midoobay ka socda oo Booqasho ku Tagay Magaalada Kismaayo
Mogadishu Isniin 22 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Wafdi Qaramada Midoobay ka socda oo Booqasho ku Tagay Magaalada Kismaayo
Waxaa Markii ugu horeysay mudo ka badan Shan Sano Maanta gaaray Magaalada Kismaayo Wafdi kasocda hay’adda Qaramada Midoobay waxaanay ay si heer sare logu soo dhaweyay Magaalada iyagoo kormeer ku soo maray goobo dhow ah oo Kismaayo ka tirsan.
Wafdiga oo ka socda hay’addaha Samafalka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka mid ah Hay’adda WHO oo deeq dawooyin ah geeysay isbitalka guud ee magaalada Kismaayo xilli ay isbitalka ka jirtay dawo la’aan baahsan.
Dawadan Deeqda ah ee la gaarsiiyay Isbitalka magaalada Kismaayo ayaa isugu jirtay dawooyin iyo weliba qalabka qalliinka lagu sameeyo oo isbitaalka laga bililiqeystay in ay maamulayeen kooxaha Alqaacida.
Wafdiga ayaa sidoo kale booqasho ku tagay dekedda Kismaayo iyo weliba qaar katirsan xerooyinka ay ku noolyihiin dadka barakacayaasha ah ee magaaladaasi.
Degmada Kismaayo ayaa waxa ku nool kumannaan qoys oo kasoo barakacay qeybo katirsan gobollada Jubooyinka, Gedo, Bay iyo Bakool, kuwaa oo ay saameeyeen abaaro iyo weliba dagaallo u dhexeeya dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.
Waa wafdigii ugu horeeyay oo caalimi ah ee degaaankaasi taga tan iyo markii Xoogaga iskaashanaaya ee Ciidamada Soomaaliya kuwa Kenya iyo kuwa Raaskaambooni ay gacan ku haynta magaaladasi kala wareegeen Kooxda Alshabaab .
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|