Somali News
    Hees  

Orodyahan Soomaaliyeed oo mar kale kasoo baxay dalka Holland.

Amsterdam Isniin 22 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Orodyahan Soomaaliyeed oo mar kale kasoo baxay dalka Holland.

Dalka Holland ayaa waxaa mar kale kasoo baxay Orod-yahan da'yar oo kasoo jeeda dalka Soomaaliya, kaasi oo dhawaan wacdaro ka dhigay Magaalada Bergen op Zoom ee Gobolka Brabant, ka dib markii uu ku guuleestay Orodka 400-mitir.
 
Osman Abdillah Hamud waa 17-jir u dhashay dalka Soomaaliya, oo Muddo 1-sano iyo 2-bil ka hor Magan galyo Qaxooti weydiistay dalka Holland, isagoona xilligaan ku nool Magaalada Bergen op Zoom ee Gobolka Brabant.
 
Osmaan waxaa uu dhawaan heshiis la galay Naadiga AV Spado - Bergen op Zoom ee Ciyaaraha Fudud, isagoona kulan ciyaareedkiisa ugu horeeyay Naadiga usoo jiiday guul lama ilaawaan ah, waxaa uuna la orday ciyaaryahano in muddo ah tababar ku mashquulsanaa.
 
Ciyaaryahan Osmaan ayaa sidoo kale kaalinta 3-aad ka galay Tartanka 5-KM, iyadoona Macalinka Ciyaaryahankaan Alex van Tilburg uu saxaafada u sheegay in Osman 2-Todobaad ka dib uu ka qeyb geli doono Tartanka 6-KM, taasi uu filayo in uu guul ka keeno.
 
Saxaafada Gobolka ayaa si weyn u buun buunisay Guusha uu keenay Osman, isagoo noqday da'yar Muddo kooban ku nool wadanka Holland, isla markaana Mustaqbal Wanaagsan ku leh Ciyaaraha Holland.
 
Ma ahan Ciyaaryahankii ugu horeeyay Soomaali ee dhanka orodka kasoo baxa dalka Holland, waxaana jira Ciyaaryahano kale oo Soomaaliyeed kuwaasi oo ka orda dalka Holland, iyadoona uu ka mid yahay Ciyaaryahanka Xilligaan Qaranka Holland u xarooday ee Abdi Nageeye.
 
Salah Hassan Omer [Salah Dheere]
Amsterdam - Nederlands.
Email: s.dheere@hotmail.com

 

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)