Somali News
    Hees  

Hillary Cilinton : "Dowladda Maraykanka waxay Wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay ugu yaboohday lacag dhan 58 million oo doolarka Mareykanka.."

Mogadishu Talaado 23 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Hillary Cilinton : "Dowladda Maraykanka waxay Wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay ugu yaboohday lacag dhan 58 million oo doolarka Mareykanka.."

Xogayaha arimaha dibadda dalka mareykanka Hillary Cilinton oo warsaxaafadeed ka soo saartay dalka mareykanka ayaa sheegtay in dowladda mareykanka wadamo Somalia ay ka mid tahay ay ugu yaboohday lacag dhan 58 million oo doolarka mareykanka ah si loo sii yareeyo dhibaatada abaareed ee ka jira wadamada ku yaala bariga Africa.

Hillary Cilinton waxa ay sheegtay in lacagtan lagu iibin doono cunno gar gaar ah islamarkaana la gaarsiinayo malaayiin ruux oo ku nool qaaradda Africa siiba soomaalida qaxootiga ku ah dalka Kenya iyo kuwa kale eek u barakacsan gudaha dalka Somalia.

Xogayaha arimaha dibadda dalka mareykanka Hillary Cilinton waxa ay sidoo kale warsaxaafadeedkeeda ay ku sheegtay in lacagtan yabooha ah ee gaareysa 58da million ee doolarka mareykanka ah ay qeyb ka tahay 1.3 billion oo dowladda mareykanka horay ay u bixisay kuwaas oo loogu gar gaaray dad ku dhibaateysan wadamada Somalia Kenya, ethopia iyo jubuuti.

Somalia ayay sheegtay in dadka ku nool qaarkood ay weli la daala dhacayaan dhibaatadii ay ka dhaxleen abaartii sanadkii hore, waxana ay sheegtay in mareykanku uu jecelyahay inuu arko hooyo iyo aabo iyo cunugooda oo caafimaad qab ay ku noolaadaan taasina ay lama huraan ay tahay in fursad ay u helaan.

Dowladda mareykanka ayaa ka mid aheyd dalalkii lacagaha badan ugu yaboohay Somalia sanadkii hore oo gobollo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay ka dhaceen abaro xoogan.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)