Somali News
    Hees  

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gooni gooni ah ula kulmay Wafuud balaaran oo ka kala socday Wasaarada arrimaha dibadda Talyaaniga iyo Midowga Yurub

Mogadishu Talaado 23 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweynaha Soomaaliya oo si gooni gooni ah ula kulmay Wafuud balaaran oo ka kala socday Wasaarada arrimaha dibadda Talyaaniga iyo Midowga Yurub.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi balaaran oo ka socda Dowladda Talyaaniga oo uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi Gulia Terzi.

Madaxweynaha iyo wafdiga Dowladda Talyaaniga ka socday ayaa waxay wada yeesheen kulan qaatay saacado kaasi oo ay uga wada hadleen xiriirka labada wadan iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirkaasi.

"Waxaa looga hadlaykulankaan sidii ay Dowladda Talyaanigu u xoojin laheyd taageerada ay siineyso Soomaaliya, islamarkaana ay si weyn u taageereyso Dowladda cusub ee Soomaaliya" ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo markii uu kulankaasi soo idlaaday kadib saxaafadda la hadlay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Gulia Terzi oo isaguna kulanka kadib dhankiisa Saxaafadda la hadlay ayaa ugu horeyn tilmaamay in Madaxweynaha Soomaaliya uu gudoonsiiyey dhambaal Hambalyo ah oo uu ka waday Madaxda dowladda Talyaaniga waxaana uu xusay in Dowladda Talyaanigu ay xoojineyso taageerada ay siineyso Soomaaliya.

Labada Dowladood ayaa sidoo kale go'aansaday in si loo xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga in wafdi heer sare ah oo ka socda Talyaaniga ay yimaadaan Muqdisho, halka sidoo kalena wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya ay dalkaasi Talyaaniga booqasho ku tegi doonaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafuud ka socota deeq bixiyeyaasha caalamka oo uu kala hadlay sidii ay dalalka deeqaha bixiya u laba jibaari lahaayeen taageeradooda ku aadan dalka Soomaaliya.









Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)